Mudane M/weyne Lugtii Jeeniga Dhaaftaa Way Jabtaa ee Ka Fiirso Baliga Diiriye Guuleed

maqaal
Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Waxa aynu la wada soconaa in meelo badan oo dalkaa mushkiladdo soo noqnoqdaa ay had Iyo jeer ka dhacaan dalka intii ay xukumadda Axmed Siilaanyo taladda dalka haysay

Waxaanay mushkiladahaasi u badan yihiin amma ku saabsanyihiin murano xaga deegaanka

Iyadda oo aynu ognahay wixii ka dhacay kalshaale oo runtii la odhan karo waxay ahayd Waxa Ceeb iyo khasaare badan oo aan weligood duugoobayn ku reebtay somaliland

Waayo inta ay xukumaddu beelo muran yari dhex maray oo walaalaa cudud ciidan dul dhigayso Waxa ka haboon in xooga ciidanka ee lala beegsanaayo gudaha dalka ee shanta Magac loogu kala yeedho in xuduudaha dalka lageeyo oo ay sugaan hadaba aniga oo aan Waxaba ku dheeraanayn khaladaadka dhacay intii xukumadda Siilaanyo taladda haysay Waayo waxaynu ognahay inaan qalin afkii lagu koobi karin sidaa daraadeed waxan Rabaa Inaan usoo baydho mawduucan maanta taagan ee guuldarada ah waxa jirta in uu Muran Dhuleed kajiro deegaano hoosyimaadda degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer

Gaar ahaan Baliga Diiriye Guuleed

Oo inta dadkii deegaanka degenaa sifo sharci darro ah beel kale ugu qabsatay

Xukumaddii dadka dhexdda u ahaydna xukun xaaraana ku qaaday dadkii deganaa

Dhulkaas ee hantidoodii taalay waayo oo wasiiradii xalka loo diray ee xal keeni lahaa Xinjiro Iyo xabad dhiig xalkii ka dhigeen oo reerkii boqolka sanno meesha degenaa lagu yidhi Wixii Hanti idinka yaalay ammar dawlo ayaa cagta mariyay arintaas waxaan leeyahay waa dulmi Aan la aqbali karin hadaba Mudane M/weyne siddani maaha si umadda dhaqaysa maaha

Dadka iyo dalkaba dan u ah hadaad sidaa wax u sii waddana dee lugtii jeeniga dhaaftaa way jabtaa ee shacabkani ma ogalaan doono xukunka baadilkaa waayo waa waxaad kasoo Dagaalantay hadaba M/weyne waxa halkan ka muuqata arin fool xun adiguna aad muuddo Inaanad si buuraa uga waajib gudan oo xilkii iyo masuuliyadii qaranka aad u haysay xil guadshadeed kama muuqato waayo taasi waxay ka muuqataa wasiiradda aad u xilsaartay

Xalinta dhulkaas xaqdarada dadkii degenaa lagaga raraayo

Hadaba haday arintu sidaas tahay oo maanta lagu murmaayo Deeriye Guuleed waxaan ku talin lahaa waar dadyahaw waa aragtaan oo ODAYAASHI LA DOORTAY IRBAD DHUUB GELIN WAAYEE hala tashaddo waayo xaalkeenii wuxuu marayaa reerkii layli dhaansadda haamuhuu ka laaya

Waxanan ku soo gebagebaynayaa arintaasi maaha mid suura gal ah oo maah mid Dadnimadda iyo islaanimadda iyo damiirku toona aqbalaayo ee waa in si degdega loo Soo Qaadaa ciidamadan dul hoganaaya dadka xoola dhaqatadaa ee dhulkoodii iyo gurigoodii

Leh waa la baabiinayaa wixii meeshaa kayimaadda o walbana xukumadda ayaa ka masuula hadaanay si dhakhsaa ugala soobixin ciidamadeedda halkaas jooga oo Inta dadka Reer baadiyaha ah ee muwaadiniinta kuna askari loo diraayo waxa looga baahanyahay Meelo kale oo xuduudkeeni ugu horeeye la geeynin halkii munaasibka ku ahayd

Waxaanan dareemi karayaa in xukumaddu arintan ay siddan ugu badheedhay maadaama oo aan lhawshaas loo dirin cidii masuuliyadeedda lahayd amma waayo aragnimadeeda lahyd waayo wasiirkii arimaha guduhu ma joogo odayaal iyo guurti looma dirin sikastaba Ha ahaatee meeshaa waxa ka muuqata ceebtii iyo daldalool wayn oo bar ku ah qaranimadeena

Waanan cambaaraynaa anigu

By Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky

Qalin Ku Difaac Group