“Ninka Maanta Habar-Magaado Bilaabay Waa La Garanayaa Inuu Yahay Nin Anbaday.” Xaaji Cabdi-Waraabe

Xaji Cabdiwaraabe

Aug 4, 2014 Hargeysa(SM)–Xaaji Cabdikariin Xuseen(Cabdiwaraabe,ayaa kelmad kaftan ah ku bilaabay hadal waano iyo dar daaran ah oo uu ka jeediyay kulan lagu daah furayay Mashaariicda Horumarineed ee sanadkan dalka laga hir-gelinayo oo shalay lagu daah furay hotel Ambasator ee magaalada Hargeysa .

Kelmadda kaftanka ah ee Xaaji Cabdi-waraabe,ayaa markii uu carabka ku dhuftay magaca Habarjeco waxa loo wada dhegtaagay waxa ka dambeeya ee uu raacin doono iyo kaftan uu ka sheekeeyay oo dhex maray isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan,laakiin markii uu dhameeyay kaftanka,ayaa lagu soo dhaweeyay sacab aan kala go, lahayn. Xaaji Cabdi-waraabe oo bulshada ka wacyi-galinayay dhibaatada qabyaalada ayaa hadalkiisa ku bilaabay kelmad kaftan ah oo ay hore isku waydaarsadeen Guddoomiyaha Golaha Guurida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Waxaanu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen“Waxaanu haasawnay guddoomiyahayaga (Saleebaan) oo waxaan ku idhi Waar magacan Habar jeclo maxaa idiin diiday sida kuwa kale ilayn lama soo qaado kii kale ee la gudboonaa ee Magaado ahaaye,waxaanu iigu jawaabay Gudoomiyuhu, anaga kaayagu wuu hirgalay oo ceeb malaha ayuu igu yidhi,waan runtiisa laakiin ninka maanta Magaado bilaaba waa la garanayaa inuu nin anbaday yahay.”ayuu yidhi Xaaji Cabdiariin Xuseen

Salaanmedia/ Hargays