QARAN HURDA (Sleeping Nation)…qormadii 1aad

 maqaal

 

 

 

 

QARAN HURDA (Sleeping Nation)

)qormadii 1aad)

Mahad dhamaanteed waxaa iska leh ilaahay SWT nabedgelyo naxariis iyo amaana nebi maxamed korkiisa ha ahaato SCW

 

Waxaan qoraal kooban iyo wakhti kooban u qaatay qalinka qormooyin aan ugu magac daray QARAN HURDA (sleeping nation) kaasoo aan ku gorfayn doono siyaasada maamul ee dalkeena hooyo Somaliland sida arimaha dibada, arimaha gudaha, iyo dhaqaalaha. Waana udub dhexaadyada wadanka saddexdaasi.

 

Hadaba waxaan qormadan kaga hadlayaa arimaha dibada Somaliland ee waayahan danbe

Waxaad wada ogsoontihiin waxaa arimaha dibada inaga haysata mushkilad la magac baxday aqoonsi la’aan taasoo keentay inaynu noqono wadan caalamka ka faquuqan.

Dalka iyo dadkaba waxaa masuuliyada arimaha dibada inoo qaabilsan wasiir loogu magac daray wasiirka arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Biixi Yoonis

 

Maxamed Biixi Yoonis wuu ku guul daraystay inuu hirgeliyo xidhiidh wada shaqayneed oo aynu caalamka la yeelano xataa wadama deriska ah sida Djabouti, ethopia, Kenya, iyo Somalia oo ah dalka afkeena ku hadla shirarka caalamiga ah.

 

Nasiib daro Somaliland way hirgelin kari wayday xidhiidh iskaashi ama wada shaqayneed oo ina dhexmara haayada qaramada midoobay UN-ka taasina waata keentay inuu weli xayiranyahay xafiiskii UN-ka ee magaalada hargiesa.

 

Nasiib daro Somaliland way ku guulaysan wayday in Passport-keeda la isticmaalo taasina waata keentay in muwaadiniinta reer Somaliland qaataan Somali Passport oo ay ugu baxaan Xajka iyo socdaalada aduunka ee kale sida ganacsiga.

Manta aduunka qofka somalilander-ka ahi ma yaqaan wuxuu ku socda hadii kale waa inuu adeegsadaa dawladii aynu kala baxnay ee Somalia passport-keedii.

 

Somaliland qudha waxay aqoon uleedahay hadii laga digo ama la xidho xuduudaha wadamada ay jaarka la tahay inay cabaad iyo qaylo ka wadho laakiin aqoon uma laha hadii wadan ina la jaara talaabo qaado ku wajahan arimaha dibada talaabada la qaado ee lagaga jawaabo taasina waxay muujinaysaa inaynu ku fail-garownay ku guuldaraysanay arimihii dibada.

 

Iyadoo ay jirto inaynu nahay dal aan weli liiska aduunka lagu darin hadana waxaynu arimaha dibada ka taaganahay Sero (0) guulna kamaynaan gaadhin hadaba ila eeg arimaha aynaan horumar ka gaadhin.

  1. Ma lihin passport la aqoonsanyahay ama xataa loo isticmaali karo wadamada jaarka ah ee waxaan isticmaalnaa Somali passport oo ah kii dawladii aynu kala baxnay 1991
  2. Kumaynaan guulaysan inaynu samayno iskaashi wada shaqayneed oo inaga dhexeeye inaga iyo wadamada jaarka ah.
  3. Xidhiidh is fahan inagama dhexeeyo inaga iyo UN-ka xafiiskoodii hargiesana weli wuu xayiranyahay
  4. Ma lihin xafiisyo usheqeeya sida qunsuliyad oo aynu ku leenahay wadamada aduunka xataa hal dal.
  5. Wadankeenu looma ogola ama ma qaadan karo maalgelin caalami ah
  6. Xuduudihii wadamada jaarka inala ah oo xidhan inana talaabo aan kaga jawaabnay ma jirto

 

Fiiro gaara:

Qormdan way dheertay raali ka ahaada akhristayaasha inshlaah kuwa dambe way koobnaan doonaan.

 

 

 

Waad mahadsantihiin

Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

Burao-Somaliland

Â