QARAN HURDA (Sleeping Nation) Qormadii 2aad

 

 maqaal

 

 

 

 

QARAN HURDA (Sleeping Nation)

Qormadii 2aad

Waxaa mahad dhamaanteed iska leh ilaahay SWT waxaan kaloo umahad celinayaa saxaafada xorta ah ee inta badan ku hawlan gudbinta wararka, iyo qoraalada saliimka ah.

 

Waxaan qormadan 2aad oo ka mid ah maqaalkii aan ugu magac daray QARAN HURDA (sleeping nation) aan kaga hadli doonaa  (Arimaha gudaha ee Somaliland) waxaad dhamaantiin dareensantihiin habacsanaanta ka muuqata arimaha gudaha Somaliland iyo wasaarada ku shaqada leh ee uu inoogu magacaabanyahay Cali maxamed waran cade.

 

Waxaan si qodobaysan idiinku dhiibayaa guuldarada aynu ka taaganahay mudooyinkii udanbeeyay arimaha gudaha.

Waxaad hoos udhacweyni soo wajahay arimaha gudaha iyo wasaarada ku shaqo leh oo umuuqata mid ku guuldaraysatay shaqadii ummada ay wakiilka uga ahayd waxaanan ka xusi karnaa guul darooyinkaas .

  1. isku xidhnaanshihii iyo isku duubnidii wadanka oo isu bedeshay qabyaalad iyo reeraysi
  2. passport-kii oo weli aan lagu guulaysan in la sameeyo taasina ay ku keentay muwaadiniin fara badan inay Somali passport qaataan.
  3. diiwaangelintii madaniga ahayd oo aan weli suurta gelin wakhtigii doorashaduna waxbadani aanay ka hadhin.
  4. dawladaha hoose oo aan weli muujin wax qabad muuqda guuldarona laga taaganyahay.
  5. maamul daadejintii oo lagu guul daraystay.
  6. gobolada bari oo aan xafiisyada dawladu sifiican uga  shaqayn.
  7. Qaramaynta, soo xero gelinta gobolada weli maqan iyo siyaasiyiinta dibad wareega ah

Gebogebadii: dawlada dhexe isku soo wada duuboo waxay guuldaro ka taagantahay siyaasada Arimaha gudaha

Waad mahadsantihiin

Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

Burco-somaliland

Â