Qofkii Labaad Oo Somali-maraykan Ah Oo Lagu Dilay Syria Isagoo Ka Barbar Dagaalamaya Kooxda ISIS (Daawo Sawirada)

Aug 28, 2014 London(SM) –  Wiil dhalinyaro ah oo  Soomali ah isla markaasna haysta dhalashada dalka Mareykanka ayaa la sheegay inuu ku dhintay dagaalka ka socda dalka Siiriya. Warbaahintu caalamka ayaa baahisay y in willkaasi uu geeriyooday isagoo u dagaalamaya Kooxda Mayalka adag ee  ISIS kana dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Warbaahinta ayaa Magaca marxuumkaasi   ku sheegtay C/raxmaan Muxumed oo ah Somali-American, waxaana la Tilmaamay in yaraantiisa uu ku koray Magaalada Minnesota oo ay ku noolyihiin Soomaali badani.

Geerida C/raxmaan Muxumed, ayaa waxaa baahiyay Telefishinka KMSP oo xaruntiisu tahay Minneapolis, waxa uuna TV-ga sheegay in Jihaadiistaha lagu dilay isla dagaalkii lagu dilay Douglas McAuthur McCain oo magaalada Minneapolis ku koray, balse noloshiisa inta badan ku qaatay San Diego.

Dhanka kale, Sirdoonka Minnesota ayaa sheegay in  C/raxmaan Muxumed uu kamid ahaa dhalinyaro farabadan oo ay dabagal adag ku hayeen isaga iyo Tobaneeyo kale, waxa ayna Tilmaameen in Kiisas farabadan oo la xiriira Arrimaha Jihaadka ku hayaan.

Salaanmedia/Hargaysa