Qoys Soomaali ah oo mudo bilooyin ah ku nool dariiqa iyo darbiyada Magaalada London ee Dalka Ingriiska!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Qoys Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay mudo bilooyin ah ay ku nool yihiin dariiqa iyo darbiyada magaalada London arintaas oo ka yaabisay qaar badan oo ka mid ah shacabka ku nool magaalada London iyadoon ay qoyskaas ay diideen caawinaad kasta oo loo fidyey iyo inay ka tagaan goobtaas.

Qoyskaan Soomnaalida ah oo la sheegay inay ka kooban yihiin nin iyo naag ayaa bilihii la soo dhaafay oo dhan waxaa lagu arkaayey ayaga oo hoy uu u yahay kuraasta lagu nasto ee magaalada London gaar ahaana wadada lagu magacaabo Tooting High Street oo ah wado saxmad ah oo ay baabuurto marto islamarkaana ah wado laga dukaameysto oo ayna ku yaalaan dukaamo fara badan, Qoyskaan ayaa waxaa goobtaas u yaala boorsooyinkoodii ayagoona habeenkii ku hoyda ama seexda kursigaas islamarkaana ugu nool halkaas wadada ah sidii gurigooda oo kale.

Ugu dambeyntiina iyadoo aan wali la ogeyn sababta ku kaliftey qoyskaas Soomaaliyeed inay ku noolaadaan kursigaas ayaa af hayeen u hadlay dowlada hoose ee magaalada London waxaa uu sheegay inay ka war hayaan qoyskaas Soomaaliyeed ee ku nool dariiqa asagoona intaas raaciyey inay dhowr jeer ay isku dayeen inay qoyskaas ay ka ka xeeyaan goobtaas laakiin ay arintaas ka dhega adeygeen qoyskaas Soomaaliyaad, Waa nasiib daro inay qoyskaas ay naga diideen caawinaad iyo taageero kasto oo aan u fifinay anaga iyo heyadaha kale ee wax caawiyaba oo aygana si aad iyo aad ah isugu deyey inay caawiyaan qoyskaas Soomaaliyeed ayuu yiri ninkaas oo la hadlay warbaahinta, Qoyskaan Soomaaliyeed ayaa waxaa n wali la ogeyn sababta ku kaliftey arintaas iyo waxa ay u diideen caawinaada loo fidiyey si loo dajiyo guri ay ku noolaadaan oo looga ka xeeyo banaankaas ay mudada deganaayeen.