Sadex Gacan Dhiiglayaal Ah Oo Ka Tirsanaa Shabaab Oo Saaka Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

Aug 3, 2014 Muqdisho(SM) – Magaalada Muqdisho saaka waxaa lagu toogtay Sadex dhagarqabe oo ka tirsana maleeshiyaadka Shabaab, kuwaas oo dhawaan maxkamadda ciidamada qalabka sida ku ridday xukun dil toogasho ah ah.

Dambiilayaasha saaka lagu toogtay Tiirka Iskool Bolisiya ayaa kala ahaa Xasan Muxudiin Xasan oo ahaa ninkii fududeeyay weerarkii madaxtooyada Qaranka, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo iyagu gacantooda ku dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.toogasho

Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa goob ka ahaa fagaaraha Iskool Boliisiya oo ah halka uu ku yaalo tiirka lagu toogtay gacan ku dhiiglayaashaasi.

Dadweyne farabadan ayaa goobta ku suganaa, kuwaas oo usoo daawasho tegay toogashada saaka lagu filiyay dhagarqabayaasha ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday gacan ku dhiigleyaashan oo iyagu qirtay iney gacantooda ku dileen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Salaanmedia/Hargaysa