Sheeko Kale: Waa Halise ee Haygu Dayan! W/Q Cabdisalaam Yaasiin

MG_942212-150x150

Waxa geed weyn oo damal ah guud kiisa ku noolaa gorgor. Geedka dhexdiisana waxa geli jiray tuke. Tukuhu wuxu aad daawadaa gorgorka marka uu duulo ee hawada sare heehaabo. Sida uu uu daawanayo, ayuu arkaa gorgorkii oo mar keliya is dhuubay oo sida leebka hoos isu ganay.

Wuxu isha la raacoba wuxu arkaa gorgorkii oo inta uu ciddiyihiis kale bixiyay bakayle qafaashay.

Falkii gorgorka ayuu aad ugu hamiyay; ka dibna wuxu naftiisii u sheegay in isna uu haad yahay oo sida gorgorku u ugaadhsado isna u ughaadsan karayo.

Gorgorkii ayaa duulay. Tukihina waa ka daba duulay. Muddo ayay labadiba samada heehaabayeen. Ka dib ayaa waxa u muuqday bakayle. Bakaylihii ayaa loo baratamay. Tukihi isaga oo weli meel dhexay duulaya, ayaa gorgorkii oo sida leebka u lalayaa la booday bakaylihii.

Tukihii oo fajac iyo xanaaq isugu darsamay, ayaa naftiisii mar kale u sheegay in uu haad yahay oo ku dayin karo gorgorka. Wuxuu sameeyayna samayn karo.

Ka dib markii uu naftiisii sidaa ku qanciyay, ayuu duulay. Muddo markii uu heehaabayay ayaa wuxu arkay walo. Into sidii gorgorka isduubay ayuu hoos isu ganay. Isaga oo soo lalaya ayaa waladi aragtay. Godkeedii oo dhagax hoostiiya ayay markiiba gashay. Tukihii oo sida leebka u lalayaana, dhagaxii ayuu madax ku dhuftay oo isaga oo miyir la’ ku hoos dhacay!!!

W/q Cabdisalaan Yaasiin

Â