SIYAASADA MADAXWEYNAHA SOMALIYA NINKII HOGAANKA UHAYEY OO SAAXDHEER LAGU QABTAY.

Habiil

Waxan dhamaan xasuusinayaa dhawaan warbiximihii aanu soo qoraynay ee aanu kusheegaynay in dawlada federaalka somaliya ay masuul katahay taageero fara badana siiso maamulka khaatumo ee larabo in lagu inqilaabo Somaliland iyo Puntland, waxaa maanta cadaatay wixii aanu kawarbixinaynay oo saaxdheer lagu qabtay CALI GEEDI waa maamulaha siyaasada madaxtooyada somaliya ahna nin ay isku qabiil yihiin madaxweynaha somaliya  XASAN SHEEKH.

Hadaba way cadaataya cida wada dagaalada sool ee soo noqnoqanaya ee maxaa lagaga hortagayaa, waa in sidegdega horta loosoo bandhigaa cadaymaha dawlada somaliland hayso raga xilibaanada ah ee ay qabatay somaliland iyo cali mahamed geedi oo ah ninka siyaasada madaxtooyada somaliya villa somaliya wada.   talaabada taa xigtana waxa weeye si dagdaga in hub iyo ciidanba loogu diro shabeelaha hoose taageero milateri oo degdegana lasiiyo kacdoonka gobolada koonfurgalbeed si gaarana loo taageero ciidamada deegaanka shabeelada hoose ee sida geesinimada leh isaga difaacayey 2dii sano ee lasoo dhaafay xaq darada laga soo abaabulayey madaxtooyada somaliya, wax qabad degdega ayaa looga baahanyahay xukuumada somaliland inay uqabato walaalahooda dulman ee shabeelaha hoose.Siyaasi

 

Habiil Cabdi Haybe

London

haibehaabiilabdi@yahoo.co.uk