Somaliland: Bulsho Gob ah oo Qabyaaladdi Gilgilayso

Somaliland: Bulsho Gob ah oo Qabyaaladdi Gilgilayso

 ahmed ciise

 

 

 

Wali waxaad moodaa in dadkeenu waxba ka baran duruustii qabyaalada ee soo martay – tasoo  biyo dhaceedu yahay inaan qabyaalad qaran lagu dhisi karin in lagu dumiyo mooye (tribalism  is not an economic development paradigm but leads to a doom).  Dalkii la isku odhan jiray Soomaliya waxaa dumiyey qabyaalada oon dad iyo duunyaba waxba kaga tagin oo wali gumaadkii ka socodo Muqdisho oo isu dhalan rogtay xaruunta dad qalka birmagaydadda ee maatida iyo dhalankii Somaaliyeed. Maqaalkani (an academic article) waxa uu ka doodayaa inaan maanta Somaliland ay maawlinayso, u heesayaan oo qurxinayaan   qabyaaladdii ood moodo in dalka lagu soo dhawynayo. Hadaba bulshadeenu miyaanay ogayn inaan qabyaalada qaran lagu dhisin, horumar lagu gaadhi kaarin balse la hubo kaliya inay hoog inoo horseedayso. Hadaba Suaasha waxay tahay maxaa balaayaddii qabyaaladda maanta inagu soo toosiyey?

 

Waxaa laga yaaba inaad markaaba la soo boodo jawaabta ah,  inay tahay xukuumada maanta jirta ta toosisay qabyaaladdii, waxaa laga yaaba oo kale inaad tidhaa maya oo jawaabtaadu noqoto inay yihiin maddax dhaqameedka sixir bararku ku dhacay  yihiin kuwa inagu soo toosiyey, waxaa laga yaaba oo kale inaad jawaabta ka doonto in shirarkii dufaanada qabyaalada watay ee ka curtay GARADAG iyo DAALLO inay ahaayeen kuwa maanta inagu soo toosiyey, qaar kalena ku doodaan in maanta qabyaaladdii GARADAG IYO DAALLO ka curtay ay mid ka xuni ka curtay gobalada galbeedka Somaliland.

 

Maqaalkanise waxa uu ku doodayaa in intaa aan kor ku xusayba midna ahyn kuwa inagu toosiyey qabyaalada balse ay tahay  duruufaha dhaqaale xumo iyo aqoonsiga inaga raagay . Labadaa isbarkan  oo u dheer yahay  cadawggii Somaliland maanta yahay ka dhabarka ka riixay qabyaalada ooda sii jabinaysa  maaliba maalinta ka dambeeysa. Haddii aan maanta shacbi iyo xukuumadba meel adag la iska taagin qabyaalada qarankeena duulanka ku ah qiimah qaaliga inagu fadhiya in bari taladda dabadeeda lagaadhi doonin.

Dabcan qodobadaa aan ka kor xusay way la xidhiidhsan yihiin qabyalaada (inextricably interwoven with tribalism phenomena) si loga hortago daadka qabyaalada maanta qarankii gilgilaysa,  xukuumad iyo qaybaha kala duwan ee bulshaduba ee ay ka mid yihiin  maddax dhaqameedka iyo dhalin-yaradaba  waa  inay is xisaabiyaan iyagu marka hore si  dalka halaaga duufaanada qabyaaladda ee lagu badhtilmaasanayo looga badbaadiyo intayna xeedho iyo fandhaal kala dhicin.

 

Maanta dawlada hadda jirta dalka waxay ku soo kordhisay horumar la taaban karo oo ay kow ka tahay in miisaaniyaddii dalka oo ahyid $45 milyan kor u dhaaftay $150 milyan iyo mashaariicida horumarka ee wadooyinka iyo shaqo abuurida leh ee ay u horseeday. Waxaa kale oo iyan jirta in xukuumada hadu xadgudbiyo xun ku kacday oo dalka dagaalo sokeeye u horseeddi kari lahaa sida – Askarigii tafatirihii wargeeyska hubaal dhaawacay (attempted murder) oo ay dawladu si badheedh ah u sii daysay iyadoon cadaaladda la marin, cabudhinta saxaafada ay kula kacday – tusaale ahaan xayiraada ay albaabada  iskugu dhufatay  wargeesyaddii  HAATUF IYO HUBAAL.

 

Biyo dhac maqaalkaygani jawaabtiisu waxay tahay in qaranimadda Somaliland ay ka wayn tahay inaynu kala hortagno mucaaridad qabyaaladaysan oo madhalaysa oo dalka lagula kaco  balse loo baahan yahay halka taladu dalku ka qudhuntay in lagu xaliyo wada tashi iyo is toosin. Maqaalkani waxa uu doodisan ku soo af-meerayaa inuu cadowgga Somaliland uu inagu soo toosinayo qabyaaladdii si isgu keen dhufto isagoo ku soo gabanaya duruufaha dhaaqale xumo, shaqo la’aanta iyo aqoonsi la’aanta dalka maanta ka jirta. Maqaalkani wuxuu ku talinayaa in adkaysi iyo sabir lagaga bixi karo dhibaatooyinka jira balse aynaan xalka  ka dayin OLALE QABYAALADAYSAN oo dalka laga curiyo.

 

Axmed Cabdi Ciise

Academic in Social Science

isseahmed@hotmail.com