Sua’al ku socota Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi oo doonaya in Nicholas kay xafiiskii UNSOM ka furto Hargiesa by Abdi Mustafe

MAQAAL
Mohamed Biixi Yonis miyaannu garanayn Nicholas Kay shaqadiisu inay tahay in uu dhiso dowlad Somaliyeed oo Federal ah?  Hawl Kale oo loo xilsaaray Nicholas ma jirto. Markaa Somaliland ma waxay ogolaatay in laga furo xafiiskii UNSOM ee Xamar ka furnaa si uu inoogu daro dowlada Federaalka ah. Mohamed Biixi intaa wuu garanayaa MANADATE ka Nicholas kay wuxuu yahay ee dana isaga u gaara oo dhaqaale awgeeda ayuu u soo hor kacay. Silaanyo na wuxuu ku qanciyey Nicholas Kay ayaa Ethiopia iyo Jibouti inagu diray oo sidaa darteed baa xuduudaha loo xidhay. Mohamed Biixi oo markuu faraha kala bixi waayay biyihii Hargiesa loo bixiyey Xunbaweyne ayaan haba yaraatee weligii musuq maasuq aan ka dheeraan. Mohamed Biixi ha inoo sheego waxa Somaliland u gaara ee Nicholas Kay loo ogolyay ee uu inagala shaqeyn karo. Majirto oo xilka la saaray waa mid uun oo ah in uu soo dhiso dowladii Somalia oo Somaliland na ku jirto. Wasiirka Xunba weyne haduu leeyey MANDATE ka Nicholas sidaa maaha halkan ha ka akhristo: 
Mohamed Biixi waxba yuu Gender iyo Human rights ku meeraysan ee hawsha loo diray Nicholas Kay wey qayaxantay waxna kama bedeli karo. Hadaba hadii Somaliland laga furayo xafiiskii UNSOM waxaynu ka mid noqonaynaa Federal Government ka Xamar looga taliyo. Somaliland ka danabayn mayso xukuumada Silaanyo oo dhidibada ayey u saareen rag ay Mohamed Biixi iyo Silaanyo ka mid yihiin oon danayneyn dalka iyo dadka toona. Xafiis UNSOM leeday yaan lagu furin Hargiesa iyo magaalo kale toona hadii kale Somaliland wey ku deysay.
Mohamed Biixina waa khaayin al-wadan (Traitor) wuxuu is taahilaa in dhagax lagu dilo sabatoo ah dal dhan buu UNSOM gacanta uuga geliyey. Xadiiska UNSOM ee Hargiesa laga furaa wuxuu hoos tegayaa ka weyn ee Xamar ka furan wax u dhexeeyaana hawl maal meed kooda ma jirto ee waxba yaannu Xunbaweyna qiiqa isku qarin waa la garanayaa in uu dalkii dhamaa doonayo in uu iibsado e.