Tix Ku Qotonta Citiraafkii Shaffield…Abdilahi H Matan

Cabdilaahi Xasan Mataan
Cabdilaahi Xasan Mataan

Tixdan kooban waxaan Curiyey 02-04-14,maalintii Local Council ka Shaffield uu Citiraafay Jamuriyada Somaliland oo hayd maalin iguweyn oo qiimo iyo qaayo huwan,Hadal badane,marlabaad iyo mar sadexaad ila wadaaga Tix Murtiyeedkii oo gaaban.

Citiraafki dhool dahab ahaa dheemantiyo luulka
Dharaarii na soo maray mid kaan dheeg walba u doonay
dhulfog waxan ka goob yaalinaba dhabarka soo jeedshay
Dhawr sanaba waan dhinac maraye inagamuu dheerayne
Aqoon dhugata iyo wuxu ra buun daacad loo dhehe’e
Sow Maxamed dheeriyo Shaffield dheg ima noolaynin
Sow dhaqa shadiisaan jeclaye kama dhax geeraarin
Sow dhaanto iyo jiib habluhu sacab kumay dheelin
Sow calanki dheeh lagama dhigan oo dhar lama moodin
Sow miidhiyuhu muu dhig dhigin bil iyo dheeraado
Sow Maxamed dheerow markale kaa dhursugi mayno

Mohamed dheere waa  (Mohamed Abdilahi Issa).

Allaa Mahadle
Abdilahi H Matan
togdheer2000@hotmail.com