Wabixin Xasaasiya…”SIYAASADA CUSUB EE GEESKA AFRIKA IYO SOMALILAND” Siyaasi Habiil Cabdi Haybe

images

Waxaa geeska afrika kasocda siyaasad saamayn weyn kuyeelandoonta jiritaanka iyo badbaadada somaliland, kadib markii somaliya kabaxday kumeelgaadhka oo ay gashay xiligii carta ee dawladii fadhiidka noqotay ee cabdilqaasin salaad xasan ee djiputi lagusoo dhisay waxaa bilaabmay boob xaga awooda milateriga ah waxaa dalka kajiray maamul xag jir ah oo alshabaab ay hogaanka uhayaan kaasoo awoodii dalka somaliya 90% lawareegay mudo kayar 2 sanadood markii ciidamada Amisom iyo ciidamada dawlada federaalka somaliya kala wareegeen awooda alshabaab ee muqdisho waxaa taliyeyaasha ciidamada ahaa generaal diini iyo generaal dhaga badan oo labaduba khabiiro mileteri ahaa.

Wasaarada gaashaandhigana waxaa haystay huseen carab ciise markii dagaalkii alshabaab ee muqdisho dhamaaday oo dawlada loo gacangaliyey waxaa bilaabantay tuhun ah QAWMIYADA DIR ayaa awood milateri yeelanaysa waa in labadalaa taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirka gaashaandhiga waxaa fikirkaas watay guruub ay horboodayaa xilibaano kasoo jeeda beesha hawiye iyagoo ujeedadoodu ahayd hadii dawlad dhalato oo ciidamada cidkale haysato waa laydin muquunin doonaa khaasatan qawmiyada dir oo aad uga badan qabiilka siyaasadaas watay, islamaalintii xasan sheekh loo doortay dawlad rasmiyan ladhisay ayaa waxaa labadalay taliyeyaashii ciidamada iyadoo ujeedada loo jeedo ay tahay GENERAL DHAGA BADAN  oo ah ninkudhashay degmad xeraale ahna qawmiyada dir xidhiidh bwanaagsana laleh somaliland taasoo aan marnaba ucuntamin raysalwasaarihii hore ee SAACID sababtan waa walaaladii oo kudhintay dagaalkii xeraale kadhacay 10 sano kahor.

Dagaalkaas oo beesha saacid kasoo jeedo ay qiratay inay iyagu qaladka duulaanka lahaayeen laguna jabiyey laakiin hubka iyo dhaqaalaha loo adeegsaday laga soo qaatay somaliland, sidaa daraadeed SAACID colaad gaara uqaatay somaliland dacwadii kusocotay generaal CALI SAMATARNA uu kuhorjoogsaday nidaam dawladeed isagoo uqoray dawlada maraykanka in cali samatar uu yahay diblomaasi somaliyeed oo katirsan dawlada federaalka somaliya sidaa darteed immunity lasiiyo dacwadana laga joojiyo wixii kharashan dawlad somaliya bixiso taasoo weerar cad kunoqonaysa somaliland oo dacwada waday, hadaba anagoo taas kaduulayna ayaanu kalsoonidii qawmiyada dir kala noqonay raysalwasaare saacid oo dagaal toosa lagalay somaliland dacwadii ay cali samatar kuhaysay, markii saacid laridayna waxaa bilaabmay tartankii jagada raysalwasaaraha taasoo dhamaan beesha hawiye sicad oo qayaxan ay uga horjoogsadeen inuu noqdo qof dir raysalwasaaraha cusub iyagoo u arkaya in khatarta ladagaalamaysa ee alshabaab xooga milateri u ah ay dir tahay deegaanada awooda ugu badan ay kuleeyihii dadka dagaalka kuhaya dawlada hawiye hogaaminayana ay tahaya deegaanada dir daganyahay taasaa colaada ugu weyni ku abuurtay hawiye oo dawlada somaliya afduub uhaysta aan rabina inay dawladi kadhalato muqdisho, hadaba siyaasadii way fashilantay dagaalo badan oo qabiil oo xasan sheekh abaabulay soona hubeeyey beelo hawiye aha ayaa kadhacay hiiraan iyo shabeelaha hoose kuwaasoo ujeedada loo weeraray ay tahay aar goosi qabiil oo kuwajahan qawmiyada dir oo ah qawmiyada loo arko inay laf dhabar utahay awooda ugu weyn ee mucaaradka somaliya.

Taasoo ay hogaaminayaan shakhsyaad qabiil ahaan kasoo jeeda dir waqooyi oo kudhashay kismaayo iyo luuq ganaane iyo waliba xeraale, hadaba iyadoo taas laga duulaayo ayaa waxaa lagu casumay sanadka horaantiisii KHAATUMO MADAXDEEDA  magaalada muqdisho iyadoo xaflad weyn loogu qabtay hotel JAZEERA oo kudhaw airportka muqdisho waxaa xaflada kasoo qaybgalay dhamaan siyaasiyiinta hawiye oo ay kujiraan CALI GEEDI, INDHA CADE, XAAF iyo dhamaan baarlamaanka iyo wasiirada kuwii belaha hawiye iyo daarood looma kala maqnayn waxaan loogu deeqay khaatumo lacag dhan $750,000 oo doolarka maraykanka ah siloo carqaldeeyo somaliland iyo puntland, dagaalka ugu weyn ee siyaasadeed waxaa lagu wadaa waa dir waqooyi amaba somaliland waayo waxaa looga aargoosanayaa wax loo arko inay somaliland wado oo kasocda gobolada koonfur galbeed somaliya sihada aad ufahanto qoraalkan ujeedadiisa sifiican ula soco hambalyadii degdega ahayd ee dawlada federaalka aha wasiirkeeda warfaafinta uu uhambalyeeyey cali khaliif galaydh doorashadii saaxdheer ee khaatumo waxay cadaynaysaa dagaalka somaliland inay xukuumada muqdisho wado,hadaba siloo awood tiro xasan sheekhb iyo kuwa kuhoos qadhaabta xukumadiisa waa in laxoojiyaa maamulada koonfur galbeed iyo juba oo xidhiidh toosa soamlialand lasamaysaa xaga shabeelaha hoosena sifiican loo xoojiyaa qawmiyada biyomaal oo ah dadka ugu badan ee koonfurta somaliya daga ahna somaliland walaalkooda kaliya ee somaliya kunool sidoo kale waa in laxoojiyaa baydhabo oo loo dira wufuud degdega siloo dhiso awood siyasadeed oo misaan culus kuleh somaliya,

Saaxiibna la ah somaliland, hadaba waxaan usoo jeedinayaa dhamaan xisbiyada siyasada hogaanka sare ee baarlamaanka iyo wasiirada firfircoon ee xukuumada somaliland inay dhamaan kumidoobaa siyaasada kuwajahan somaliya iyo taageerada degdega ah ee maamulka koonfur galbeed. waxaan kusoo gunaanadaya dhamaan geeska afrika somalida kunool ee qawmiyad dir inay kumidoobaan taagarada siyaadeed ee shabeelaha hoose inuu kamuhimsanyahay jiritaanka dawlad xaqdaro kuhaysa qawmiyada oo aan meelnaba dhaafin xitaa somaliland oo dhisan rabta inay dumiso waa in sidegdega looga hortagaa cawaaqibka ka imankara burbur kuyimaada difaaca shabeelada hoose taageero buuxda oo geeska afrika ahna lasiiya biyomaal oo ah beesha ugu muhiimsan ee qawmiyada dir dagaal xunima kusocdo.  somaliland xisbiyadeeda mucaaradka waxaan leeyahay kor eega hoos ha isu eegina joojiya burburinta siyaasadeed ee aad wadaan.

 

Habiil Cabdi Haybe London

haibehaabiilabdi@yahoo.co.uk