War Deg Deg ah. Qarax khasaaro geystay oo goordhow Muqdisho loogu geystay Haweenka Nadaafada iyo Khasaaro ka dhashay.

NEWS

Qaraxa xoogan ayaa waxa uu goordhaweyd  ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Xaafada Taleex, waxaana la sheegayaa inuu ahaa Miino loo dhigay Haweenka loo yaqaan malaamileyda ee ka shaqeeya Nadaafada Gobolka Banaadir.

Waxaa hadda la maqlayaa Rasaas xoogan oo ay ridayaan Ciidamada Dowlada, iyadoona ay halkaasi xidheen si meesha looga qaado dadka dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dhimashada ay kor u dhaafeyso illaa Shan haween, halka dhaawacana uu gaadhayo Sideed ruux, sida aan ku helnay wararka
Lama Xaqiijin karo halka uu gaadhsiisan yahay Khasaaraha dhabta ah, inkastoo ay halkaasi gaadhayaan gaadiidka gurmadka ee Caafimaadka

Lasoco wararkeena dambe wixii kusoo kordho qaraxa.

 

Salaanmedia/Moqdisho