WAR SAXAAFADEED XISBIGA WADDANI KU HAMBALYANAYO GUULAHA IS DABA JOOGAH EE UU SOO HOOYAY CIIDANKA QARANKA SOMALILAND.

Faysal

Waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta xorta ah iyo dhammaan akhristayaasha sharafta leh , waxaanaan ku salaamayaa salaanta ISLAAMKA EE ASALAUMU CALAYKUM.

Haddii aanu nahay XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI, waxaan hambalyaynaynaa ciidanka qaranka ee Somaliland oo  si hagar laanta ah ee uu waajibkiisi qaran u gutay ee ah inuu ka difaaco dalka  cid aliyaala iyo cidii ku soo xadgudubta xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland, 
Waxaynu ka war qabnay in maalmahanba colaad Somaliland dhexdeed laga maleegayay oo uu hubku iyo saanaduba ka imanayeen Somalia, taas oo  looga dan lahaa in la iska hor keeno dadwaynaha Somaliland, iyada oo la adeegsanayay Siyaasiyiin nabad diid ah kuna caan baxay iska hor keenka shacabka kuwaas oo  Iskooda u shaqaysata oo aan u dananayan shacabka reer Somaliland.
 
Xisbiga Waddani wuxuu mudooyinkan danbeba ka qaylinayay dawladda laga dhex dhisayo dalkeena Somaliland, waa ilahay mahadii mar  haddii ay xukumadeenu u dego nuglaatay baaqi xisbiga waddani, waxaanu leenahay haddii ay xukumadeen sidaas oo kale ugu dhego nuglaan lahayd baaqyadii horena sidaa maanta anuu guushan ugu amaanayno baynu u guulaysan lahay.
 
Waxaanu ku baaqaynaa in cidii reer Somaliland ah ee wax tabanaysaa ay wadahadal ku dhamaysato ee aanay iyadu sharciga gacanteeda ku goosn soona adeegsan ciidamo shisheeyah iyo qori caaradii.
 
Waxaanu u soo jeedinaynaa Xukumadeena.
 
1. inay talaabo caad ka qaado xidhiidhki inaka iyo Somalia
a) in la laalo dhamaan wadahadaldii Somalia iyo Somaliland.
b) in la joojiyo isu socodkii Somalia iyo Somaliland
c) in la xidho xuduudaha Somlia iyo Somaliland.
d) In dib u eegis lagu sameeyo Qaxoontiga Somalia
 
 
ALLA MAHAD LEH
 
Faisal farfidiye
 
Golaha fulinta ee
xisbiga waddani