Wasiir Cadaani dardaaran kiisii wuxuu noqday wadada Ceerigaabo sidii sanbalooshe u xasuustay xerada xalane markuu xashka tegay!,

cadaaniiiii

Kornayl sanbalooshe oo haysan jiray xerada tababarka ciidanka xalane ee muqdisho kutaal ayaa tegey xashka kabid markii uu soo xashay ayaa la weydiiyay wixii uu xasuustay markuu buurta Jamaal carafe taagnaa buurtaas oo maalintaas qofka ducaysta ee ilaahay SWT barya inuu danbigiisa dhaafo culimadu tidhaah waa la aqbalaa ayaa halkii wax kale laga sugaayay yidhi waxaan xasuustay xeradii xalane darbi ka dunsanaa oo aan qabyo kaga tegay in ciyaalku kasoo dhacaan!,
 
hada waxa kornayl sanbalooshe ka dhigan wasiir cadaari saxardiid oo isaga oo wadnaha laga qalaayo oo nolashiisu boqolkiiba konton halis ku jirto halkuu wax kale ka fekeri lahaa yidhi waxaan ka fekeraayay oo aan ka werwersanaa wadada ceerigaabo qabyo tirkeeda! denbi dhaafkii uu ilaahay SWT weydiisan lahaaba waxa ilowsiisay wada ceerigaabo!,
 
waa arin ahmiyadeeda leh waxaan qabaa inaanu madaxweyne siilaanyo uga warwerin dalka uu madaxweynaha ka yahay sida wasiir cadaani uga werweray dhamaystirka wadada halbowlaha u ah dalka Somaliland ee isku xidha,
 
hadaba markay sidaas tahay ma waxa la odhan karaa wasiir cadaani waa nin kacaanka uu ka tirsan yahay ka dheeraynaya oo aan la shaqayn Karin oo isku darsaday wadaniyad iyo daacadnimo uu dalka iyo dadka u qabo loona baahan yahay inuu iskaga dhex baxo sidii wasiirkii maaliyada ee hore maxamed xaashi cilmi markuu la shaqan kariwaayay ee uu ka yaabay musuqa meesha ka socda mise waxa la odhan karaa tiisu waa kabadbadin iyo halagaa sheego oo hintiisuna waa tii yaxaaska?! su-aashaas jawaab teeda waa mid looga fadhiyo shacabka muwaadiniinta ah ee iyagu idhaha ku haya wax qabadka iyo wax qabad la-aanta xukuumada siilaanyo ee ay soo doorteen lana xisaabtama,
 
hadaba wasiir cadaani waa wasiir udowlaha wasaarada maaliya shaqada uu wasaarada ka hayaana ma aha mid toos ah oo isaga lagala xisaabtami karo waxa wasaarada wasiir ka ah oo khalad iyo sax wixii dhaca laga weydiiyaa waa wasiir c/casiis muxumad samaale oo wasiirka maaliyada ah hadii wasiir udowle cadaani wasaarad dhamaystiran uu masuul ka noqon lahaa waxa la kala ogaan lahaa wax qabad kiisa iyo wax qabad la-aantiisa nasiibdaro meel aynu kula xisaabtano maba joogo anigu markaan rogrogay waxaan istusay malaa waanad ogayne waa wasiirka wadada ceerigaabo! ileen waatan uu danbidhaaf kii uu ilaahay SWT uu weydiisan lahaa markii la qalaayay uu ku ilaawaye, bal aynu eegno wadada ceerigaabo iyo wasiir udowle cadaani waxay kala mutaan.
 
aadan axmed nuur   Â