Wasiir Mohmaed Biixi oo ku mash quulsan sidii dekeda Berbera shirkad Francis ah loo siin lahaa iyo biyaha Hargiesa by Abdi Mustafe

Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi ilaa hada wax muuqda kumuu soo kordhin wasaaradiisa.

Halkii laga filaayay in uu ictiraaf iyo safaarada cusub iyo gooni isu taag uu ka shaqeeyo wuxuu ku mash quulay sidii uu lacag buuran uuga heli lahaa shirkad Francis ah oo isaga iyo Silaanyo

BIIXI YOO

doonayaan in ay dekeda Berbera ku wareejiyaan iyo biyaha Hargiesa la soo gelin lahaa oo uu qabyaalad kula dhex jiro. Mohamed Biixi musuq-maasuqu waa meheradiisa oo markuu African Developement Bank uu ka shaqeynaayay waxa shaqada lagaga eryey musuq weyn oo uu Somali kala shaqeyneysay la galay iyo madaxweynaha dalkii Banku ku yiil Ivory Coast oo isna musuq ka sii weyn la galay. Dabeed Banki Mohamed dibada ayay u tuureen oo halkaa ayuu ku haleeyay wixii uu xuquuq ku lahaa. 

Hadana wuxuu shaqo ka helay UN Mission Sudan halkaa oo dad ilaa 60 qof ah qabyaalad ku quray oo badan jifadiisa iyo dhinaca qoys kooda iyo midhadh ay si kale isugu xidhmeen. Waxa intaaba u sii dheer qandaraas yadii u musuq ku bixiyey oo uu kula heshiiyey in uu la lahaado ayaa weli Sudan ka sii shaqeeya oo lacagi ka soo gashaa.

Mohamed nin raga nimo badan maaha ee nasiib buu kulahaa shaqooyinka. Waa nin aad u jilicsan oo Somaliland aan wax khayra u soo wadan wasaaradiina la hadhay.

Abdi Mustafe

abdi_mustafe123@yahoo.com