Wasiirka Macdanta goor ay noqo taba waa in maxkamad la keenaa oo uu jailka Mandheera liinta ku cabaa Abdi Mustafe

Daawo Muqaal: “Haatuf Lix Bilood-baa Caydayda Lagu Iibsanayey” Wasiirka Tamarta JSL Oo Iska Baraxay Warar Laga Baahiyey
Wasiirka macdanta (Weji-xun) waa mukharibka uugu weyn Somaliland ilaa lix sharka dood
ayuu meel madow lacag ka qaaday oo uu Blocks beena siiyey oo aannu awood u lahayn.
Taasi waxay sababtay oo weliba ta soo socotaa ka sii darantay in dadkii deegaanku ay rasaas huwiyaan shirkad ka mida. Shirkadahan oo sharci daro dalka ku jooga oo lacagta laga qaado qoyska Silaanyo wax looga geeyo ayaa sababi doona in sool iyo sanaag dagaal xoogani ka bilaab mo. Wuxuu damcay Weji-xun in uu ciidan 1000 qof oo askar ah qorto oo uu ku qaato sanadkii 25 million oo dollar.
Ciidankaa oo caalamku ka qeyliyey Somaliland shicib keeduna diidanyay ayaa beelaha degen dhulka shidaalka laga baadhayo ayay isku dhici doonaan oo dhulkaa laga qixi doonaa. Wasiirka Weji-xun waa jaahil ee dowlad aan la ictiraafini liisan paatrool lagu qodo maba bixin karto. Dhulka uu leeyay askar baan geynayaana waa dhul UN tu ay diidantay in ciidan ba la keeno si aan la isugu dhicin.
Wasiirkaa macadanta ee Weji-xun la yidhaa goor ay noqotaba waa in maxkamad la keenaa oo Jailka Mandheera uu liinta ku cabaa. Shirkadahan isaga iyo qoyska Silaanyo ayuun bay is arkaan golaayaasha lama soo mariyo waa la tahriibiyaa si dhaqaale looga helo. Weji-xun waa ninkii markii Haatuf ay kashiftay iyagii la xidhay … Subxaan … ma waxaasaa dowlad lagu sheegi karaa xidhay qofkii tuuga farta ku fiiqay. Wasiir Weji-xun ha ku bushaareysto in maalin maalmaha ka mida maxkamad la keeni doono oo xabsiga lagu hubsan doono ilayn dalka ayuu isku dir iyo hanti boob ka wadaa.
Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.com