Wasiirka Mohamed Biixi ( Xunbaweyne ) oo Nicholas Kay soo wada welina biya gelinta Hargiesa ku mash quulsan by Abdi Mustafe

MAQAAL
Wasiirka Mohamed Biixi (Xunbaweyne) oo arimihii dibada ku fashil may ayaa si qabyaaladeysan uugu mash quulay biya gelinta Hargiesa
oo weliba soo wada Nicholas Kay oo halis ku ah jiritaanka Somaliland. ilaa hada waxa la ogyay in Nicholas ay u qorsheysantay in xafiisyo looga furo Hargiesa, Burcao iyo Borama. xafiis yadaas oo ka shaqeyn doona fur-furka Somaliland iyo sidii dowlada federaalka ah loogu dari lahaa. Wasiirka Xunbaweyne oon weli la arkin isagoo ku hawlan arimo ictiraaf ayaa wuxuu aad caan uugu yahay qabyaalad iyo musuq maasuq. Siyaasadii dibada iyadu wey ku soo xidhantay oo wuxuu la shaqeynayaa  Nicholas Kay oo doonaya sidii uu Somaliland karaamada uuga qaadi lahaa ee uu Somali weyn uugu dari lahaa. Wasiir xunbaweyne isaga qudhiisa ayaan jiritaanka Somaliland raali ka ahayn oo Somaliland curyaaminaaya. Xunbaweyne ha loo sheego in uu biyaha Hargiesa iyo Nicholas kay faraha kala baxo oo ama is casilo ama arimihii dibada ka shaqeeyo in kasta oo uu yahay nin aad u jilicsan oon Somaliland waxba u soo dhicin karayan.