Wasiirka Warfaafinta oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geeridda C Weli Faarax Jaambiir

 

Cukuse55Hargeysa (SM)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, bahda saxaafadda iyo shacbiga Somaliland-ba oo uu ka tacsiyadeeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum- Cabdi-weli Faarax Jaambiir oo galabta ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.