Wax lagu qoslo weeye in dowladu ku mash-quusho kooxda Ethiopia ka timi ee fanaaniinta ah iyadoo meel walba qashin buuxiyey By Abdi Mustafe

MAQAAL

Kooxdan dhaantada ciyaarta ee kilika shanaad ee Ethiopia ka timi Waxa casuumay wasiiro marna Marwada Amina Weris marna Cali Xoor xoor oo dekeda Berbera mareeye ka ah iyo dad kaloo fara badan.

Intaa kooxdu wareegeysay hudheelada ay ku jiraan dowlada ayaa bixinaysay jiif iyo cunaba.

Marka wax wal oo kaleba aad iska soo dhaafto Saylada xoolaha ee Hargiesa biyo xooluhu cabaan ma heystaan. Qashin na wuu buux dhaafiyey. Hargiesa iyo dooxeeda meel walba xashiish baa tuulan. Magaala walibana waa la mid.
Hadaba waxa is qaban waayey aynnu dhaanto tumano iyo aynnu kudaafad dugsano. Xukuumadani sida ay u socoto qof miyir qabaa ma fahmi karo. Somaliland ma awoodo in sida kililka shanaad lagu mash quuliyo dhaanto qarashna kaga baxo. Isaga Ictiraaf cidiba ma hadal heyso oo wasiir kii loo doortay Mohmaed Biixi ( Xunbaweyne ) wuxuu ku mash quulay wasiirka macdantu ilama socod siin qarashka shirkadaha patroolka iyo dekeda Berbera sidii uu u iibin lahaa iyo Biyaha Hargiesa ee xunbaweyne sidii geed deeble loogu duwi lahaa oo wasiir karaama le maaha. Iminkana waaba loo heesayaa in dhawaan dibada la dhigo ayaa la filayaa. Waxaan ku soo afjarayaa dhaantadu ha inoo danbaysee qashinka aynnu iska gurno xoolaha saylada Hargiesa na biyo cabaan ha loo geeyo halkaa ayaa khairku ku jiraa.