Waxanu Taageeraynaa Heshiiskii Ay Gaadheen UCID WADANI Iyo MADASHA-WADA-TASHIGA, Madaxweyne Siilaanyo Kaama Soconayso Qalad Qalad Ku Sax, Riyaale 2 Sano Loo Kordhiyay, Anigana 2 Sano Ii Kordhiya By-Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)

c-qadir-cukashe-150x150

 

 

 

 

Anagoo ah Xisbiga UCID Laanta UK waxaanu si buuxda u taageeraynaa Heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee ay wada galeen labada xisbi mucaarad ee UCID, WADANI Iyo Madasha Wada Tashiga, Heshiiskaas oo ka dhacay Magaalada Hargeysa markii ay taariikhu ahayd 10/08/2014, qodobada ugu muhiimsan ee heshiinkaasi waxa ka mid ahaa in hadii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Doorashada Waqtigeeda ku qaban waydo, la sameeyo Dowlad wadaag ah oo Sadexda Xisbi u dhanyihiin.

 

Waxanu oran karnaa heshiiskaasi waa heshiis taariikhi ah oo waqtigiisii qalinka lagu duugay, shacab farabadan oo reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin  taageerayaasha xisbiga UCID  ayaa soo dhaweeyay Heshiiskan, waana sida qudha ee dalkan lagu badbaadin karo, Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADANI iyo Madasha wada tashiga waxaanu halkan uga cadaynaynaa in shacabka Somaliland 80%  ay taageeradoodo haystaan, shacabkuna garab taaganyahay,  gudo iyo dibadna heshiiskan laga taageeray, taageero qudha mahee heshiiskan shacabku wuxu u hurayaa naf iyo maal sababtoo ah waxaa laga quustay oo qaatiyan laga taagan yahay xukuumadan xag walba ka fashilantay ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxaanu ugu baaqaynaa in uu san qalad qalad ku sixin, sharci daradii aad shalay diidaneed maanta yaynan kula noqon macaan, Madaxweyne hadaad ku fakarayso Madaxwaynihii kaa horeeyay ee Daahir Riyaale ayaa 2 sano loo kordhiyay ee aniga laba sano ii kordhiya, oo sow  ka kaa  danbeeyaana isna oranmaayo  2 sano ii  kordhiya,   markaa ma shirci daradaa iyo kordhiskaa baanu ku jiraynaa illaa yoomi diin, waxani wax soconaya ma aha Madaxweyne Siilaanyo waxaa lagaaga fadhiyaa kalmadii aad baarlamaanka hortiisa ka tidhi ee ahayd maalin ku darsan maayo, doorashadana waqtigeedii baan qabanayaa,  Madaxweyne hadii aad halmadaa ka dhabayn waydo u diyaar garow Kacdoon Shacab oo Gudaha iyo Dibada ka bilaami doona.

 

 

 

Mr. Abdulqadir  Mohamed (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda

Ee Xisbiga UCID Laanta UK