Waxanu Taageeraynaa Soojeedintii Guddoomiyaha Xisbiga UCID Ee Ahayd In Deg Deg Talo Qaran Laysugu Yimaado, Xisbiyada Mucaaradka Ee UCID Iyo WADANI Waa In Ay Si Adag Uga Hortagaan Kororsiimo Ay Isku Shaabadeeyaan, Saleebaan Gaal Iyo Siilaanyo:

ucid tacsi

Waxanu Taageeraynaa Soojeedintii Guddoomiyaha Xisbiga UCID Ee Ahayd In Deg Deg Talo Qaran Laysugu Yimaado,  Xisbiyada Mucaaradka Ee UCID Iyo WADANI Waa In Ay Si Adag Uga  Hortagaan Kororsiimo Ay Isku Shaabadeeyaan, Saleebaan Gaal Iyo Siilaanyo:

 

 

 

Anagoo ah Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Laanta UK,  Waxaanu taageeraynaa Soojeedintii Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Xuseen ee ahayd in si deg deg ah Talo Qaran laysugu yimaado, taladaas oo loo dhan yahay mucaarid iyo muxaafidba, lagana arrinsado arrima badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka inagu soo fool leh iyo arrimahan cakiran ee xaga siyaasada arrimaha dibada qaasatan xuduudan xidhan ee wadamada jaarka ah.

 

Run ahaantii arrintan waxaanu u aragnaa talo wanaagsan oo uu Guddoomiye Faysal soo jeediyay, ahna mida qudha ee Dalkan maanta lagu badbaadin karo, balse su’aashu waxa ay tahay, Xukuumadii Dhagaha-adkeed ee aynu naqaanay ee Axmed Siilaanyo Madaxweynaha ka ahaa ma ogoshahay in talo qaran laysugu yimaado oo laga wada hadlo masiirka umada Somaliland iyo sidii loo wanaajin lahaa Dowladnimadeena.

 

Hadaba waxa ayaamahan danbe soo baxaya dhux dhux  ay suuqa soo galiyeen qaar ka mid ah golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, oo  ay leeyihiin Odayga waxaa loo kordhinayaa 2 sano, iyadoo aad moodo in ay kalsooni buuxda ka haystaan Golaha Guurtida qaasatan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal, run ahaantiina marka aad eegto sida wax u socdaan ama gaabiska ku yimi hanaankii Doorashooyinka Somaliland,  waxaynu si cad u aragnaa in xuukuumada Madaxweyne Siilaanyo aynan diyaar u ahayn in ay Doorasho qabtaan, ayna ka cagajiidayaan in ay fududeeyaan sidii Doorashooyinku inoogu qabsoomi lahaayeen.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa waxaanu kula talinaynaa in ay soo dhaweeyaan Talada Caafimaadka qabta ee Guddomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Xuseen, ayna qabtaan Kulan Talo Qaran ah, isuguna yeedhaan golayaasha qaranka iyo Xisbiyada Mucaaradka lagana wada tashado sidii arrimaha badan oo murugsan meel layskula dhigi lahaa oo ay u muhiimsantahay arrinta Doorashooyinka fooda inagu soo haya.

 

Golaha Guurtida qaasatan Guuddomiyaha Guurtida Mudane Saleebaan Gaal waxaanu kula talinaynaa in uu  dhexdhexaad ka noqdo Arrimaha Doorashooyinka, waxa kale oo aanu uga digaynaa muddo kordhin aan sharci ahayn oo uu u sameeyo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Saleebaan Gaal waxan leeyahay Gartii Eexo ee aad u qaaday  Madaxweyne Siilaanyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ayaa in badan oo shacabka Somaliland ka mid ah ay wali ka dagi la dahay, Hadaad maanta Inaadeerkaa Axmed Siilaanyo ugu darto Muddo Kordhin aan Sharciga waafaqsanayn, taasi macnaheedu waxa weeye in aad doonaysaan in Dowladnimadii Somaliland  ay gacmahiina ku burburto.

 

 

Mr.  Abdulqadir Mohamed  (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda

 Ee Xisbiga UCID Laanta UK