Waxaynu Arki Jirnay Madaxweyne Beeshiisa Culayska Saara Marka Dhibi Dhacdo, Laakiin Madaxweyne Beeshiisa Oo Dulmi Wada Horboodaya Oo Ciidankii Qarankana Isticmaalaya Siilaanyo Ka Horow Maynu Arag:

0

Waxaan halkan baaq uga soo jeedinayaa dadka walaalaha ah reer Togdheer ee xurguftu ku dhexmartay Baliga Diiriye Guuleed, waxaan leeyahay dadkaa walaalaha ah nabadgalyada illaashada aqligu ha shaqeeyo, colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, maantana shacabka Somaliland uma baahna colaado sokeeye.

 

Xukuumada Somaliland qaasatan Golaha Guurtida Somaliland oo arrimahan oo kale qaabilsan xalintooda, waxaan u soo jeedinayaa inay fadhiga ka kacaan deg degna arrintan Baliga Diiriye Guuleed ee labada beeleed ee walaalaha ah isku haystaan arrintooda galaan, nabadgalyana ku soo dhameeyaan,  arrintani arrin wasiiro loo diro ma aha, xukuumadan Madaxweyne Siilaanyana waxaad moodaa in ay arrinta dabka ku sii shidayso.

 

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxan ku dhaliilayaa qaabka ay u gashay arrintan shaqaaqada Baliga Diiriye Guuleed oo aad Moodo in Madaxweynuhu aanu dhexdhexaad ka ahayn arrintan,  taasi  anigu lama yaabayo sababtoo ah waxaynu u soo joognay  Shaqaaqadii Kalshaale ee Beesha Madaxweyne Siilaanyo iyo Beesha Buuhoodle ay isku qabsadeen barkad yar oo biyo ah, ka dibna Madaxweynu halkii uu dhexdhexaadin lahaa oo wanaag ka dhexsamayn lahaa dadka walaalaha ah uu toos ula saftay Beeshiisa isagoo adeegsanayana Ciidankii Qaranka Somaliland,  ayaa waxa cagta la mariyay shacabkii reer Buuhoodle, waxaa kale oo ku xigtay, Deegaamayntii Berbera oo iyadana Madaxweynuhu toos ula saftay Beeshiisa, Tan Iminka ka Taagan  Baliga Diiriye Guuleed ee Beesha Cabdale Arag Degtana  waxay la mid tahay kuwaa aan horay u soo sheegay.

 

Madaxweyne Siilaanyo waxan kugula talinayaa in aad beelaha Somaliland dhexdhexaad u noqoto, oo waliba Madaxweynaha Gobta ah waxa lagu gartaa marka Beeshiisa iyo Beelkale wax dhexmaraan wuxu culayska saaraa Beeshiisa xataa hadii laga gardaranyahay Beeshiisa, lakiin Madaxweyne Qaran oo Beeshiisa horboodaya waa dhibaato weyn, markaa Madaxweyne umaadu waxay kaaga fadhiyaan in aad cadaalad u samayso, ta kalena waa in aad joojisaa Ciidanka Qaranka Somaliland ee aad malinkasta Beel reer Somaliland ah aad  Ku Xasuuqayso, taasi dhibaatay u keeni kartaa wada jirka Umada Somaliland iyo Nabadgalyada Guud ee Qaranka.

 

Mr. Abdulqadir  Mohamed  (Cukaashe)

UK

warfaa_101@hotmail.co.uk