Xadhiga odayada Burcao xal noqon maayo oo Siyad Barre xabad buu dadka ku xukumi kari waayay by Abdi Mustafe

MAQAAL
Xadhiga cuqaasha Burcao lagu xidh-xidhay xal keeni maayo ee mudaharaadka ayuun baa sii xoogaysanaya. Aakhir kana caruur iyo dumar uun xabad lala dhacayaa oo ku dhimanaya. Afweyne ayaa dadkan xadhig iyo xabad akala ay waayay. Hase yeeshee rakaab xumida Silaanyo in uu dowlad nimo is yidhaa wax ku xalil waa u doqon niimo. Dhaqanka haduu ka tago wax xal ah oo imanayaa ma jirto. Gabiley dhabarka ayay shalay u soo wada jeediyeen shicibkii dariiqa tubnaa, Burcao waxa lagaga dhawaaqayaa silaanyo dooni meyno wey caday in xukuumada Silaanyo tahay cad-ceedaa sii dhacaysa. Hadaba ha laayo dad intuu ku qancayo hana xidh xidho intuu ku nefisaayo dabeed inta badan iyo baaqiga ayaa hadhi Silaanya na isagaa bahdalan buu iska tegi oo goray geed uu fuulo waayay ah oo London buu liinta ku cabi isaga iyo qoys kiisa iyo wasiirada uu adeerka u yaha. Beesha Arab Silaanyo waxba kama yaqaan ee isaga ayay isku qarxin haduu faraha kala bixi waayo Hargiesa na wey ka qaxin.
Xildhibaan Nacnacle iyo jananka police ka iyo afar wasiir xal ma keeni karaan. Meeday guurtidi maya oday dhaqa meedki waxba yuu silaanyo qiiqa isugu keen qarin ee wuxuu doonayaa in dalka dagaal ka dhaco. Silaanyo waa nin aakhira ka quustay oon wanaag akaga horeyn dabeed wixii denbi dalka ka dhacaya dan iyo muraad toona kama laha.