Xalku waa Doorasho ama Dawlada ku meel gaadh ah 2015 Inshaa Allah.

Xalku waa Doorasho  ama Dawlada ku meel gaadh ah 2015 Inshaa Allah.
 
Aslaamu Calaykum

unnamed
 
Waxa cad in Madaxweyne Silaanyo u afduuban yahay koox gabood ka dhigtay madaxtooyada, diyaarna kooxdaasi uma aha doorasho in ay dalka ka dhacdo oo cid dooranaysa ayaanba jirin oo way og yihiin in shacabka somaliland beri hore ay kala faataxaysteen waana ta keentay in mucaaridku ay goostaan haddii ay dhici weydo doorasho in dawlad ku meel gaadh ah la yagleelo 2015 inshaa Allah.
 
Waxa hubaal  ah in Xukumada Silaanyo ay sharciyadii iyo dastuurkii wadanka baal maratay boqol jeer ka badana jebisay, waxay faro gelin toos ah ku sameyeysay dhamaan hayadaha dawlada sida Golaha Wakiilada, Guurtida iyo Garsoorka iyada oo isticmaalaysa hantida Ummada ka dhaxeysa, waxaana si toos ah u qiray Wasiirka Madaxtooyada somaliland Xirsi in ay marsadeen golaha barlamanka somaliland in ka badan 40 xeer isaga oo si toos ah looga dawanayay muqbaahiyayaasha kale duwan mar u ka hadlayay xafladii liverpool kal hore madaxweyne silaanyo loogu qabtay liverpool, England.
Waxa marag ma doon ah in xukumada silaanyo ay boobtay doraashadii keliya ee ay qabtay ee golaha degaanka somaliland ee sanadkii 2012 welibana ay ku xasuuqday dad shacab ah. Sidoo kale, Xukumada Silaanyo waxay ku tumatay xoriyatul qawalkii iyada oo noqotay xukumadii ugu horeysay somaliland ee xidhay suxufiyiinta ugu tirada badana somaliland iyo iyada oo albaabada u laabtay hayado warbaahineed sida Hubaal iyo Haatuf muddo yar gudaheed, Waxa kale u xukumadani xidhay oo jeelasha ugu jira dad shacab ah oo aragtidooda cabir jiray oo ka mid ah qalinlayada somaliland sida aqoonyahan Jama jiir iyo Wasiir/ xigeenkii hore arrimaha guddaha iyo qaar kale oo badan oo ku jira xabsiga mandheera keliyana u xidhan aragti ay dhibteen.
Xukumada Silaanyo waxa ay si qaldan u isticmaashay Warbaahinta dawlada iyo Ciidanka RRU oo loogu talo galay ka hor taga aragagixisada caalamiga iyada oo u isticmaashay in ay ku weerarto saq badhka mucaaridka, saxaafada iyo culimada waaweyn ee dalka intba.
inta kuma koobana dhibta xukumada silaanyo dalka u hayso balse, siyaasad xumida xukumada silaanyo waxay horseeday in ay burburiso Xisbigii Kulmiye ee ay ka dhalatay iyada oo isticmaalaysa dhamaan wax alle iyo wixii awood dawladeed ee ummada ka dhaxeeyey iyada oo waxba loo xeerinayan.
Waxa si toos ah ay ugu fashilantay siyaasadii guddaha iyo dibedda ee somaliland, wadahadalada somaliya, iyo wadamada jaarka sida ethopia iyo jabuuti oo si toos ah u xidhay welina u xidhan yihiin xuduudka ay somaliland la wadaagto.
Xukumada Silaanyo waxay dhiiri gelisay boobka hantida dadweynaha ee wasiiradeeda ku hayaan dalka, qabyaalada , eexda, iyo ku tagrifalka awooda dawladeed ee muddo cayiman shacabku u doortay. Waxay si toos ah u khiyaamaysay shacabkii soo doortay, waxayna mushkilado hore leh ka abuurtay gobolada beriga gaar ahaan buhoodle iyo Gobolka sool, waxayna keentay in siyaasad xumida ay goboladaas ku waajahaday ay keentay maanta in ay hadh cad somaliland ka dhaqaaqan siyaasinta gobolkaas kuwii u horeeyey sida xaabasade iyo kayse oo labaduba qeyb weyn ku lahaa soo noqoshada degaanadaas ee somaliland.
 
Haddba, iyada oo aynu aragno in muddadii ay xukumada silaanyo dalka haysay ay halkaas gaadhsiisay siyaasadii guddaha iyo dibedda ayaa waxa ay imika maleegaysa in doorashooyinka somaliland ee waxa yar ka hadhsan yihiin in ay carqaladayso iyada u ham iyo dig leh muddo kordhis xaaran ah oo Ummadu qaadi karin, waxaana taas ku tusaysa sida ay uga cago jiidayso in ay diyaariso jawigii doorashooyinka golaha wakiilada iyo madaxtooyada somaliland ku qabsoomi lahayd ee dalkan u horseedi lahaa inuu kaga baxo siyaasad xumida ay horseeday taliskan silaanyo.
 
Ugu danbeyntii, Waxaan tageersanahay siyaasiyiinta Xisbiyada mucaaridka iyo madasha wada tashiga ee soo jeediyey in dawlad ku meel gaadh ah la sameeyo si ay doorashooyin dalka u gaadhsiiso haddii xukumada silaanyo ay doorashada qaban weydo, waxana qaba in ay tahay xalka keliya ee furan waayo Ummada reer somaliland waxay xukumada silaanyo u doorteen 5 sano oo keliya, haddii u dhameysto 5 tii loo doortay dalka, wuxuu la siman yahay shacabka caadiga ah, xaqana uma laha inuu sharci daro dalka ku maamulo. waxaana qabaa in ay tahay shacabiga iyo siyaasiyiinta mucaaridka iyo aqoonyahankuba in ay ka tashadan dawlada silaanyo haddii ay doorashada qaban weydo oo la dhiso dawlad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorashooyin deg deg ah.
 
Alla Mahad leh

Saeed A dualeh
Bristol, UK

Attachments area

Preview attachment saeed.jpg

saeed.jpg