Xukunka dalka xisbiga Waddani baa u diyaara oo Silaanyo iyo Kulmiye meesha wey ka baxeen e By Abdi Mustafe

Waddani

Xukunka dalka xisbiga Waddani baa u diyaara oo Silaanyo iyo Kulmiye meesha wey ka baxeen e By Abdi Mustafe

Waxa aan caad cidna ka saarnayn in Silaanyo haduu fiicnaa iyo haduu xumaa ba waqtigii uu wax xukumi karayay la soo dhaafay. Mudo dheerna waxa dalka ka talinayay Marwadiisa Amina Weris iyo wiilka Morgan. Maanta dhinac walba markaad ka eegto xukunkii Silaanyo waa gebaabsi haday tahay dhinaca caafimaadka iyo haday tahay dhinaca mudada kooban ee uuga hadhay mudo xileed kii. Cid aaminsan in uu Silaanyo dalka ku soo laabanayaa horta maba jirto. Sababtoo ah marka horeba kamuu dhoofeen xuduudaha oo xidhan iyo siyaasiyan xaaladaha adag ee lagu jiro. Amina Weris uun baa weli damac kaga jiraa xukunka ee se iyada looma dooran Silaanyo wuu talax gabay xanuunana wey u dheeryiin. Hadaba bilaha hadhay Saylici baa sharcigu u ogolaanayaa in uu sii dhameeyo inta mudada ka hadhay dabeedna doorasho ayaa la qaban aan cidna shaki kaga jirin in xisbiga Waddani ku guuleysan doono. Amina Weris haday moodeysay in madaxtooyada ay cimrigeed ku jireyso dalkana daaha dabadiisa ka maamuleyso ma dheera maalinta alaabta looga soo qubayaa indha heeda oo shana. Morgan na isagoon xaq u lahayn ayuu sodohdii docdeeda ka maamulaayay dalka oo isna xaraan bay ka noqonaysaa in uu Somaliland soo caga dhigo. Kulmiye kuleyl buu dalka la soo galay wax shaki ah oo maanta ku jira in ay saaxada siyaasada ka baxeena ma jirto. Xisbiga lagu qabow sanayaa ee sirta ictiraafkana hayaa waa Waddani. Silaanyo iyo uskaga la shaqeeyaa wey ka soo hor jeedeen ictiraafka oo waa la wada ogyay. Somaliland maanta meeqaamkii uugu hooseeyay ayay mareysaa waxaa se lagaga gama’yaa xisbi giigsan baa u diyaara in uu sumcadii Somaliland ee Kulmiye ku dhoobaystay dhulka ka soo qaado. Reer Kulmiye iyagii baa Silaanyo London kula kulmi waayay oo ka wada muquurtay oo maanta heer buu gaadhay qoyska Silaanyo laga gabado oo qof waliba is yidhaa yaan shaambadu kugu dhici ee Silaanyo iyo qoyskiisa ka ag fagow. Waa lawada daawaday afurkii Silaanyo ka qeyb galay ee uu ku dafiraayay in uu xanuunsanyo dadka meesha joogay labaatan wey ka yaraa yeen. Meel meeqaam keedu aad u hoseeyana wey ahayd oo meel madaxweyne la fadhiisiyo may ahayn ee qoyskii Silaanyo iyo Zamzam oo maskaxda handicap ka ah ayaa butuluq sanaayay oon garanayn ba meeshu in ay basement hudheel tahay oon sharaf lahayn. Odeyga ayuunbaa lagu yidhi dadki waxa lagu yidhi waa bestaa ee kaalay is tus inaad nooshay. Subxaan … ma xanuun ama wed baa la qarin karaa. Maantaba waakaas ee bal Somaliland ha ku soo laabto. Dhakhtarada ayaanba fasaxayn oo le ha ka dheeraan London si laguugu xanaaneeyo oo caafimaad kaaga loola socdo. ilaahay ha shaafiyo hadii wed daayo gabow iyo xanuun baan deynayn e. Amina Weris baa caqli xun oo moodeysa in dadka dub loo abuuro oon weli nafteeda u sheegin in Silaanyo aannu dib u yaraanayn. Amina Silaanyo is too old so as you. I hope she understands that one of these days.

Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.ca>