“Xukuumadu waa in ay hantidii Dalkii laysku odhan jiray Somalia 1991 hor la xayiray Somaliland qaybteedii usoo celisaa” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA.

“Xukuumadu waa in ay hantidii Dalkii laysku odhan jiray Somalia 1991 hor la xayiray Somaliland qaybteedii usoo celisaa” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA.

 maqaal

 

Marka hore waxaan aad iyo aad halkan ka salaamayaa dhamaan reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Salaan ka bacdi, waxaan dhawaan aad ula socday warbixintii ay qaramada midoobay ka qortay hantidii ummadda Soomaaliyeed wada lahayd ee aduunka ku xanibnayd. Hantidaa waxay UNku cadeeyeen in ay codsatay in loo sii daayo dawlada Somalia oo hada lagu eedaynayo in ay musuqmaasuqday isla markaana ay u kiraysteen sharciyaqaano caalami ah si ay ugu soo dhiciyaan. Waxa ku jira shirjaraaid oo ay qabteen shirkadii sharciyaqaanada ahayd ee ay kiraysteen Xukuumada Somalia oo ay sheegeen cadadka hantida ay soo celiyeen iyo cida ay gacanta ka saareen. Hadaba, waxaan ku baraarujinayaa Xukuumada iyo shacabka Somalilandba in hantidaasi ay ka dhaxaysay umadda Somaliyeed oo dhan oo aan gobol gaar ah iyo cid gaar ahi toona lahayn. Waxa aan la qarin Karin in wadanku uu mid ahaa wixii ka horeeyay 1991kii isla markaana lagu maal geliyay cashuurtii ummada oo ay ka mid ahaayeen reer Somaliland. Hadaba, Hantidaasi waxaan aaminsanahay in Somaliland xaqeedii loo soo celiyo Xukuumaduna ay ka hawl gasho.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Maxamed-Nasir M Dhoore

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA

Minneapolis, MN.