Hambalyo Ardayda ka Qalin JabisayJaamacadaha Dalka Sanadkan 2014

image
Asalaamu Calaykum
Marka hore Waxaan Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Ardayda Geesiyaasha ah ee reer Somaliland ee Sanadkan ka Qalin jabiyay Jaamacadaha Dalka Hooyo ka hirgalay. Waa Guul Taariikhi ah in maanta Dalkeena Hooyo ee Qaaliga ah ay ka hirgaleen Jaamacado Sare oo ay Ardaydeenu wax ka bartaan iyaga oo aan dhul shisheeye u safrin, Waa Guul Taariikhi ah oo Tilmaamaysa sida Shacbiga reer Somaliland uu Dalkiisa u Horumariyay iyada oo aynu ka soo bilownay meel Eber ah oo Burbur iyo Rafaad ahaa Sanadki 1991kii. Waa Guul ay ku faani karaan Shacbiga reer Somaliland oo aan cidna Gacmaha Hoorsan, Dalal Shisheeyana aan Baryin in ay Dalkooda Hooyo gaadhsiiyeen Horumarkaas muuqda ee ay maanta dhalinyaradeenu ay ka Qalin jabiynayaan Jaamacado Dalkooda Hooyo ku dhex yaalla iyaga oo si Nabad ah ugu dabaal degaya farxadooda iyo rayn-rayntooda. Waa Allah Mahadii, Waa Allah Mahadii, Waa Allah Mahadii.
Guushan aynu maanta gaadhnay maaha mid Cir kasoo dhac ah, balse waa Guul ku timi dedaal iyo Jihaad dhinac walba ah oo ay Ummada reer Somaliland Yar iyo Weynba, Rag iyo Dumarba, Xukuumado iyo Shiciba ay usoo dhabar adaygeen una soo dedaaleen 23kii Sanadood ee ina soo dhaafay, waxa uu ahaa dedaal dhab ah oo muuqda oo maanta aynu midhihiisii guranayno, waxay ku timi 23 Sanadood oo shaqo culus iyo dedaal aan kala joogsi lahayn oo ay Ummada reer Somaliland la timi iyaga oo aan cid kale aan isku halllayn oo aan ahayn Allaha weyn ee Awooda badan oo isagu markasta Ummada reer Somaliland Garab Taagan.
Guulaha aynu Higsanaynaa kuwan uun maaha, welina maynu gaadhin meesha iyo Yoolka aynu beegsanayno Ummad ahaan, waxaa la inooga baahan yahay inaynu la nimaadno dedaal ka sii badan kii hore iyo in Qof kasta oo Somalilander ahi uu dhexda u xidho sidii uu u gudan lahaa Waajibka Saaran, maankana ugu hayn lahaa ka shaqaynta Nabadgelyda iyo Horumarinta Dalkeena. Sidoo kalana aynu mar walba u yiqiinsanaano niyadana ugu hayno in Dalkeena Qaaliga ahi uu yahay mid qiimo badan inagu fadhiya, una Xusuusano mar kasta in Geedka Xorriyada ee aynu maanta hadhsanayno lagu waraabiyay Dhiigii kumanaan kun oo qof oo Naftoodii qaaliga ahayd u huray si aynu Farxad iyo Xornimo ugu noolaano Dalkeena., Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee, waxaana muhiim ah inay Ardayda qalin jabiyay ay xusuusnaadaan wixii loo soo maray Dalkan, sidaas darteed ay iyaguna kaalintooda u gutaan si Dalkeenu u gaadho Horumar iyo Barwaaqo.
Ugu Danbayn waxaan si gaar ah Hambalyo kal iyo laab ah ugu dirayaa Eng Amiin Cabdi Xasan oo ka tirsan Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo ka mid ahaa ardaydii Sanadkan ka qalin jabiyay Jaamacada Golis. Waxaan Allah uga barayayaa isaga iyo dhalinta kalaba inuu Cilmigooda ka dhigo mid Anfaca Dalkooda,

Dadkooda iyo Diintooda. Aamiin.
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland
kaysar@diplomats.com