9 ruux oo Soomaali ah oo lala xidhiidhinaayo Al Shabaab oo la soo taagay Maxkamada Kampala (SAWIRRO)

image

Maxkamada Magaalada Kampala, ayaa waxaa la horkeenay 10 ruux oo lala xiriiriyay Ururka Al Shabaab Arbacadii shalay, xilli lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan Magaalada Kampala.

Sagaal ka mid ah dadkaan, ayaa waxay yihiin Soomaali, halka midka kalana uu u dhashay dalka Kenya, waxaana lagu soo qabtay hawlgal ay Xoogaga Booliska 13-kii bishaan ka sameeyeen xaafada ay ku badan tahay Soomaalida Kampala.

Dadkaan, ayaa waxay isugu jiraan ganacsato, gaadiidley iyo qaxooti, da’dooduna waxay u dhaxeysaa 20 ilaa 31 sano jiro. Laba ka mid ah waxaa weeye dumar.

Xeer Ilaalinta Wadanka Uganda, ayaa waxay ku soo eedeysay in ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan Magaalada Kampala, isla-markaana lala soo qabtay walxaha qarxa oo laga helay, goobihii ay ku sugnaayeen.

Qaadiga Maxkamada Simon Kintu wuxuu amray in xabsiga lagu sii haayo ilaa toddobada bisha soo socoto ee October, oo markale la Maxkamadeen doono.

Qaadiga, ayaa waxa uu sheegay inaanay weli si buuxdo u kala cadayn waxa dadkaan kala dhaxeeya Ururka Al Shabaab, balse ay laamaha ammaanka sii wadan doonaan baaritaanadooda, ayna ku soo kala xaqiijin doonaan inay taabacsan yihiin Al Shabaab iyo in kale.

Xoogaga Booliska ee Magaalada Kampala, ayaa isu gadaamay Dhismaha Maxkamada, mudadii ay dadkaan Maxkamadeentoodu ka soconaayay Maxkamada.

Marka laga soo taggo 10-ka ruux ee Maxkamada la horkeenay, ayaa waxaa jira dad kaloo lala soo qabtay dadkaan, intii uu hawlgalku ka soconaayay xaafada Kisenyi. Kuwaa oo weli baaqi ku ah gacanta laamaha ammaanka.

Salanmedia/Mogdisho