Af-hayeenka madaxtooyada Dhuxul waxa la soo faray in uu beesha reer Awdal si dadban uugu sheego in aan wax la isku bedelayaa jirin.

DHUXUL
Sidii caadada ahayd wuu af-hayeenka madaxtooyadu ayaa danaaniyay oo hadal la soo faray oo uu si dadban uugu sheegayo beesha Gudabiirsi ayuu warbaahinta ka sheegay in aanay haba yaraatee jirin wax isku shaan dheyn ah oo dhacaysaa. Taas oo macna heedu ahaa ku quusta wax aa heleysaan ma jirto e.
Hadana waxa shicibka laga dhaadhicinayaa in gudi loo saaray ka baaraan degta codsig beesha reer Awdal ka yimi. Dhuxul haduu isagu yahay nin aan wax kala garanayn oo maskaxdiisa lala leeyahay dadku wey fahmi karaan hadalkii ka soo yeedhay in uu ahaa fariin loo dirayo suldaamada Hargiesa ku sugan ee Silaanyo soo hor dhigay in aan loo sinayn saami qeybsiga wadanka. Dhuxul oo haysta shahaadada cayda ummada oo idaacadii horyaal ka soo aflaxay oon cilmi iyo caqli kale toona lahayn ayaa maalin walba wax lala yaabo ku hataataca. Dowlada dad fara badan oo dabaajiir ah oo ay iska fur-furi kari la’day baa ku jira.
Inkasta oo kolayba uu Silaanyo rakaab xunyay hadana mathalan wasiirka maaliyada oo malacaamad heysan jiray masaajidna ka eedaami jiray oon kala garanayn Debit iyo Credit ayaa maamula maaliyada oo ah halbowlaha dalka.
Subxaan … Acuudu bilaahi an akuuma min al-jaahiliin. Waxa wasiir ka ah duulista iyo hawada nin aan tacliin lahayn oon high school dhamaysan ee ma waxyi baa ku soo degayo siduu wax u maamulayaa. Subxaan aladii asraa bi cabdihi laylan min masjid al-xaraam ilaa masjid al aqsaa.
Silaanyo waa wax aad u rakaab xun oo wasaarada arimaha gudahana waxaba u haya nin nabad sugid ahaa oon formal education lahayn. Wasaarada ciyaaraha wasiirka joogaa skuul ba ma soo marin oo xaqiiq ah. Wasaarada arimaha dibada waa Mohamed Biixi oo musuq maasuq iyo qabyaalad mooyaane aan hami kale lahayn. Silaanyo wuxuu la mid yahay Robert Mugabe of Zimbabwe oo waxba isma doorshaan. Silaanyo qudhiisu xikmad aan ahayn tii macalin kiisii Siyaad Bare ma yaqaan. Hadaba Somaliland ha loo nabaadiino xidho wey luntay e.
by Abdi Mustafe  abdi_
mustafe123@yahoo.com