Al Shabaab oo dhagax ku dishay haweeney 33 sano jir ahayd Degmada Baraawe

image

Ururka Al Shabaab, ayaa galabta waxa uu xukun dil ah uu ku fuliyay mid ka mid ah haweenka ku dhaqan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka gadaal markii ay ku eedeeyeen in ay saddex nin guursatay, xilli uu nin kale oo afaraad uu qabo.

Fagaaraha, ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal ka mid ah bulshada ku dhaqan Degmadaasi, markii gaadiid lagu soo xiray cod baahiye-yaal, ay maanta dadka ugu yeereen inay isugu soo baxaan Fagaarahaasi.

Qaadiga Maxkamada Degmada Baraawe, ayaa waxa uu Fagaaraha ka sheegay in haweeneydaan oo lagu magacaabo Safiya Axmed Jimcaale, ay wada guursatay afar nin, taasina ay tahay mid sharciga ka baxsan.

Safiya oo 33 sano jir ahayd, ayaa waxay dhashay saddex caruur ah, waxayna Maxkamadaynteedu muddooyinkaanba ka soconeysay Degmada Baraawe, oo ay si buuxdo uga arrimiso Al Shabaab.

Qaadiga, ayaa ku dhawaaqay in Maxkamada Shabaabka ay haweeneydaan ku xukuntay xukun rajmi ah, oo markaasi lagu dilaayo sida uu hadalka u dhigay dhagax, maadaama sida uu sheegay ay ku kacday gogol dhaaf.

 

Saraakiil ka tirsan Shabaab iyo dadkii ka soo qaybgalay xukunkeedaan, ayaa waxay dilka ka dib ay ku tukadeen Salaaddii Janaasadeeda, waxaana casir liqii galabta lagu aasay Khabuuraha Degmada Baraawe.

Ururka Al Shabaab, ayaa xukuno kala duwan ka fuliya dhulka ay ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya, iyadoo ay horey xukuno dil ah ugu fuliyeen rag iyo dumarba, oo siyaabooyin kala gedisan ay u soo eedeeyeen.

Talaadadii, ayay ahayd markii Al Shabaab ay xukun gacan-goyn ah ku fulisay nin dhalinyaro ahaa gudaha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, xilli ay ku eedeeyeen in falal xatooyo ah uu geystay.

Salaanmedia/Mogdisho