Al shabaab oo xaqiijiyay Geerida Hogaamiyahooda Axmed Godane

NEWS

Ilo ku dhowdhow Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in Twitter ay rumeysan yihiin inuu yahay Twitterka rasmiga ee Alshabaab lagu caddeeyey inuu Amiirka Alshabaab, Ahmed Abdi Godane oo loo yaqaano Mukhtaar C/ramaan Abu Zubeyr lagu dilay duqeyntii habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay lala beegsaday gawaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Wakaalladda Wararka ee Reuters ayaa maanta baahisay in ilo ku dhowdhow Dowladda Maraykanka ay shaaciyeen in Twitter Afka Carabiga lagu qoro oo Alshabaab u gaarka ah uu baahiyey inuu geeriyooday Amiirka Alshabaab.

Wakaalladda waxay ka soo xigatay ilahaas inaysan weli xaqiijin karin in duqeyntaasi lagu dilay Amiirka Alshabaab, inkastoo aan Hoggaamiyahaasi meel fagaare ah lagu arkin tan iyo markii ay Drones-ka Maraykanka ay Gantaalladda Laysarka lagu hago la beegsadeen Kolonyo gaadiid ah oo uu Amiirka Alshabaab iyo Saraakiil kale la socdeen.

Wakaalladda REUTERS, waxay kaloo ilaha Maraykanka ka soo xigatay inuusan Amiirka Alshabaab ka soo muuqanin Warbaahinta ay Bulshadda ku xiriiraan iyo Warbaahinadda kale si uu u xaqiijiyo inuu weli nool yahay, sida ay Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo ka badbaaday duqeymaha Maraykanka sheegeen inay weli nool yihiin.

Khabiir u dhashay dalka Norway oo magacaabo Stig Jarle Hansen oo qoray Buugga Jihaadistayaasha Afrika ayaa u sheegay REUTERS haddii la xaqiijiyo geeridda Amiirka Alshabaab inay taasi Kooxda ku adkaan doonto si ay u doortaan Hoggaamiye cusub.

“”Haddii Godane uu haatan geeriyooday, waxay taasi khatar ku tahay Alshabaab, gaar ahaan dhinaca Nidaamka Doorashadda Hoggaamiyaha ee Ururkaasi” ayuu yiri Stig Jarle Hansen.

Mas’uuliyiinta Alshabaab weli kama hadlin haddii uu Amiirkooda nool yahay iyo in kale.

Mukhtaar C/ramaan Abu Zubeyr Axmed Cabdi Godane oo la rumeysan yahay inuu da’da 40-aadka ku jiro waxa uu dabayaaqadii sannadihii 90-aadkii wax ku soo bartay dalka Afganistan, ka hor inta uusan u gudbin Afganistan.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Maraykanka duqeyn la beegsadaan Madaxda Alshabaab.

Sannadkii 2008-dii, Hoggaamiyihii Aadan Xaashi Cayrow ayaa lagu dilay duqeyn ay Maraykanka ka geysteen Goballadda Dhexe.

Salaanmedia/Moqdisho

Xigasho: REUTERS: