Amaanka Magaalada Muqdisho oo saakay si weyn loo adkeeyay iyo Ciidamada Dowlada oo Howlaglo wada

muqdisho331

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxa ay ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka Caasimada si looga hortago qaraxyo iyo weeraro ay Al-Shabaab ugu aargudaan Hogaamiyahoodii la dilay ee Axmed Godane.

Qaar kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho waxaa saakay kagu arkayaa Ciidamo katirsan Booliiska iyo Nabad Sugida kuwaa oo baaraya gaadiidka maraya wadooyinkaasi iyo waliba dadka ay ka shakiyaan.

Howlgalka amaanka lagu xaqiijinayo ayaa xoogiisa waxa uu kasocdaa laamiga dheer ee Maka Al-Mukarama halkaas oo saakay ay kajirto saxmad kadib markii gaadiidka saf la galiyaysi loo baaro gaadiidkaasi iyo waliba dadka saaran.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa la galiyay heegan buuxa iyadoona laga cabsi qabo in Al-Shabaab Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha ay Dowladu dagan tahay in ay ka geestaan Weeraro xoogan ay ugu aargudayaan Hogaamiyhoodii dhawaan Duqeynta lagu dilay.

 

Salaanmedia/Moqdisho