Amakaag iyo yaab iyo waxaan la qadan karayn

Amakaag  iyo    yaab iyo waxaan la qadan karayn

MAQAAL

Marka hore waxaan salamaya bahada hadhwanaag Anigoo idiinka ahad celinaya hawsha umada u haysaan.

Hadaan hoos ugu daadego maqaalkan aan qalinka u qaatay.

Waxaan beryahan danbe maqlaayey  nin boqor sheeganaya oo wax yaabaha uu ku hadlo aad la yaabayso mararka qaarna waxaad odhanaysa malaa caadi maha waayo maalinkasta meesha uu ka waayo dantiisa yuu wax ka sheega.

Ugu horayn waa ninkii ugu horeeyey Somaliland ee afduuba oday weeyn oo reer hargeysa ahaa oo imika mootan ilaahay naxariisti jano ha siiye lana tegay bari hadana is boqray .

Waxaa ka danbeeyey In uu madaxtooyada fadhi ka dhigtay wakhtigii uu ahaa madaxweyne  Daahir Rayaale isagoo ku qaba jabdhan  halkaas oo maaga mucaaridkii xiligaas habeen iyo maalin ayuu maalmihii ugu danbeeye ka baxay madax tooyadii waxaanu ku maamahay meeshad hilibku cuntay lafo laguma feento.

Markii ay qabsatay xukumada kulmiye wuxuu bilaabay in uu maago madaxweynaha ilaa uu ka gaadhsiiye waxaanu aduun weynaha ka codsanaynaa in la noo soo diro quboro caalamiya oo baadha cafimaadka madaxweynahay  isa goo  ku sheegaya in aanu madaxweynuhu caadi ahayn.

Hadana wuxuu ku danbeeyey in uu gaadho in uu fadhiyo madax tooyada habeen iyo maalin oo uu maago cida ay siyaasad isku qabtaan xukuumada ilaa uu ka yaaba wasiirkii shaqada uu hayo lahaa waa wasiirka warfaafinta mr cukuse  waxaynu soo qaadan kara habeenkii dhaweyd ee la bixinayey Hodan Mahamed wuxuu ku yidhi wasiirku labadeenuba waynu wada joogna madaxtooyada habeen iyo maalinba isla xafladaa qimaha badnayd ee ay iskugu yimaadeen dadka badani kamuu xishoon ergooyinkii yimi xaflada ee wuxuu ku dhawaaqay inanta mar labaad hala meheriyo oo ha lagu meheriyo 100 geela waxaas oo dhib ah waxaa u geestay waa Hunguri oo hora  loo yidhi nin hunguri ka qaaday waa nin seefi kaa qaaday markaas buurmadow waa amakaag iyo yaab iyo waxaan laqadan karayn yaabkii semeynka

Waxaan kula talin lahaa ugu horeyn ale ka baq wixii afkaaga gelayana eeg cidna ha odhan waan matelaa waayo waatii shirkii gar adag lagugu qaawiye ee tv yada lagaa sheegay in anaad metelin Reerka ilaa ayku diideen halkii u hosaysey ee baho  

Hadalka uu  Buurmadow  ku hadlay waxaa uu taageero buuxda u yahay Jamaal Cali Xussen issaga oo  tusaya in uu Jamaal Cali xuseen yahay mid ka balaadhan  Ahmed Siilaanyo  oo ah Nin  Subeer Awal ah , hadii manta dib loogu noqda inta ay Codad siiyeen Beesha Ahmed Siilaanyo  iyo Beesha uu Jamal Cali xuseen ka soo jeeda, waxaa laba jabar badan inta  ay siiyeen Subeeriyada Sacad muuse oo qudha.

Waxaan  ku talin lahaa  in Beesha  H jeclo  afkeeda waxaa ku hadli kara salaadiinta iyo cuqaasha aan xilkooda marna aysan ka qaadin  dadwaynaha Habarjeclo.

Mahada Allah Iska leh

Ahmed  Hassan

London UK