Amiirka cusub ee Al Shabaab oo loo magacaabay Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda)


image

Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu geeriyooday Amiirkoodii hore Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), oo Shabaabka dhexdiisa looga yeeri jiray Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

Bayaan uu soo saaray Shabaabka, ayaa waxaa lagu sheegay in Axmed Cabdi Aw Maxamed lagu dilay gantaalo, ay soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Mareykanka.

Bayaanka oo ku qornaa luqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga, ayaa waxaa kaloo lagu soo magacaabay Amiirka cusub ee Shabaab, kaasoo bedeli doono Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

Amiirka cusub, ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Axmed Cumar (Abuu Cubeyda), si uu hogaanka ugu qabto dagaalada ay Ururka Al Shabaab ka wadaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Abuu Cubeyda wax badan lagama garanaayo, sidoo kale Shabaabka ayaan wax faah faahin ah ka bixin nooca uu yahay Amiirkoodaan cusub iyo qaabka uu u hawlgeli doono.

Al Shabaab waxay ku goodisay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto waxa ay ugu yeertay cadowga, iyadoo meesha ka saartay geerida Ina Godane inay horseedi doonto burburkooda.

Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa saakay sheegay inay la socdaan in Shabaabku ay isku qabsadeen booskii uu baneeyay Abuu Zubeyr, ninkii buuxin lahaa.

Shabaabka, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay qaarajiyeen Saraakiil iyo dagaal-yahano kale oo ka tirsanaa, iyagoo markaasi ku eedeynaaya inay soo haggeen diyaaradii Mareykanka ee dishay Godane.

Salaanmedia/Mogdisho