Amina Weris doorasho in la qabto wey ka sastaa oo waxay ka wer-wertaa halkay ku noolaan lahayd iyadoo ka cabsoonaysa shicibka by Abdi Mustafe

 

Amina

Allaa yarxamo Cigaal sowtii xaas kiisu diiday inay ka baxdo qasriga madaxtooyada markuu geeriyooday, ilaa ciidan loo dalbaday oo alaabta dibada loogu saaray. Amina Weris na waa qaabadii inaadeer teed oo ilaa qoorta laga soo qabto ka soo bixi meyso.
Kol hadaanay xukuumado waajihi karayn labada xisbi mucaarad oo aanay soo hor fadhiisan karayn si la isula eego arimaha diiwaan gelinta ee dowladu ku carqala deyneyso doorashada wax fool xumo uuga dhimani ma jiraan. Waxay kale oo ogtay in sadexda xisbi ba mucaarad yihiin. Waxay kalee oo ogtay in 95% shicibku diidan yay xukun xumida ay wadaan oon mar labaad aan cidi dooranayn. Xukuumadu midh bay se iska indha tireysaa … in aan shicibka dowladi is hor taagi karin. Horena uumay dhicin iminkana dhici kari meyso. Marie Antoinette ba boqoarada Francis ka ayay ahayd, hadana shicibka ayaa kala soo baxay qasarkii ay degenayd oo suuqa ku dilay. Madaxtooyadu talow miyaanay taariikhda wax ka aqoon. Hadaanay ka aqoona miyaanay Siyaad Barre oo ay goob joog u ahaayeen ku cibra qaadan.
Silaanyo shicibku waxba kuma heystaan oo waa la ogyay in xasuustu ku yartay oon xukun gacanta uugu jirin. Ee Somaliland waxa lugta ku walaaqayaa waa qoyskiisa Amina Weris iyo Morgan-2 iyo Xirsi oo ay toobada seejiyeen. Bal in aan madaxtooyada qof caqli lihi ka talin u fiirsada talaabadii ay qaadaan ba bad weyn bay la gashaa oo guul daro iyo fashilaad bay ku keentaa. Amina Weris waxaan u suurta geleyn bay waqtiga iskaga qaadeysaa oo caalamku ka yeeli maayo dalkan doorasho laga qaban maayo. Sababtoo ah haday dhici weydo dad xag jira ayaa xukunka la wareegaya caalam kuna intaasuu ogyay.
Amina Weris get ready to pack your possessions. Trust, you will very soon move back to your place whether you like it or not.

 

Abdi Mustafe

abdi_mustafe123@yahoo.com