Amisom oo raaligelin ka bixisay dilka ay u geysatay Zakariya Xasan Maxamed

image

 

 

 

 

 

 

Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxa uu raaligelin ka bixiyay dilkii ay shalay Magaalada Muqdisho ugu geysteen Allaha u naxariistee Zakariya Xasan Maxamed, oo ahaa 14 sano jir Soomaali ah.

Kolonyo ay la socdeen Xoogaga Amisom, ayaa waxa ay wiilka ku jiirayn xaafada Xararyaale ee Degmada Wardhiigley, iyadoo dadku ay ka caroodeen markii gaadiidka Amisom ay cararaan, oo aynaan dib ugu soo laaban wiilkii ay dhibaateeyeen.

Bayaan uu soo saaray Taliska Amisom, ayaa waxaa raaligelin looga bixiyay dilka muwaadinka Somaliyeed, iyadoo Amisom ay cadeysay sida ay kaga xun tahay falka foosha xun ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Taliska Amisom uu baaritaano ku samayn doono sida uu u dhacay falka, isla-markaana ay dib ka soo faah faahin doonaan, waxa ka soo baxa baaritanadaasi.

Taliska Amisom waxa uu intaa ku daray in ay Somaliya u jooggaan gacan ay u fidiyaan shacabka Somaliyeed, ayna cudurdaar ka bixinayaan dhacdada ka dhacday meel ku dhow Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia).

Gudoomiyaha Degmada Wardhiigley ee Maamulka Gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Ciise, ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Amisom ay ka mamnuuceen adeegsiga wadooyinka ku yaal Degmada Wardhiigley, isla-markaana ay xirayaan wadooyinka ay gawaaridoodu marto.

Dadka degan Degmada Wardhiigley, ayaa shalay ka xumaaday in gaadiidka Amisom ay ka yaacaan wiilkii yaraa ee ay dhibaatada u geysteen, kasoo sida la sheegay ku naf baxay goobtii ay ku jiirayn.

Salaanmedia/Mogdisho