Baaq Qurbe Joogta Beesha Ciidagale Ku Diiddan Yihiin Qorshaha Xukuumadda Ee Diiwaangelinta

 2638
London(SM) Qoraal ay soo saareen Qurbe Joogta Beesha Ciidagale UK  ayay ku sheegeen inay si weyn ugasoo horjeedaan qorshaha xukuumaddu kasoo saatay diiwaan gelinta madaniga ah waxana qoraalkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha beesha Ciidagale UK nuqul ka mid ah oo Salaanmedia soo gaadhey u dhignaa sidan:-
 
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Ku: Axsaabta Qaranka Somaliland.
Ku: Cidkasta oo daneenaysa nabada Iyo Horumarka Somaliland
Og: Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo GudigaDiiwaan-Gelinta
Taariikh: 5/9/2014Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha kana soo jeeda Caasimada Hargaysa gaarahaan beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale)  

Waxaanu si buuxda uga soo hor jeednaa qorsha maldahan ee loo maamulay diiwaan gelinta madaniga ah,kaas oo lagu tilmaami karo mid aan laga fiirsan milgaha dawladnimana ka fog,waa qorshe aan isu dheelli tirnayn oo deegannada qaar si aan xad lahayn loogu badiyey goobaha diiwaangelinta qaarna aan lagu qiimayn shacbiga deggen oo si aan macquul ahayn loogu yareeyey goobahaas degmooyinka qaarna looga tegay sida degmada caasimada Hargaysa ka midka ah ee Maxamed mooge iyo degmada Sallaxlay oo ay hoos yimaadaa tuulooyin ka bada 30 tuulo loona qorsheeyey 5 gooboob oo keliya lagama fikirin dadka gaadiidku ku yaryey sida ay u soo gaadhayaan goobo masaafo ka fog u jira!,waxaa iswaydiin leh ujeedada laga leeyahay, waxaa la odhan karaa dhawr arrimood oo kala ah,in ay tahay aqoon darro oo aan looga fiirsan si cilmiyeysan,in ay tahay in dalka lagu khalkhal galiyo si ay beelaha walaalaha ahi isaga horyimadaan iyo qabyaalada caadifadaysan oo ceeb ay ku tahay cidda soo qorshaysay.

 

Shacbiga reer Somaliland waa dad walaalo ah waana dad isku dan ah oo waa dad aan kala maarmin waa dad uu horumarkoodu ku jiro midnimadooda oo ay wada ilaashadaan nabadgelyooda oo ay meel uga soo wada jeestaan waxay dantoodu ku jirtaa in ay isu damqadaan in ay cidda khalkhal galinaysa dhinac uga soo wada jeestaan si ahaantaas waxaanu u soo jeedinayna in ay xaqa wada ilaaliyaan  cadwgoodana meel uga soo wada jeestaan.

 

Dawladana waxaanu ugu baaqan ugu sheegayna in ay ka noqoto qorshahan aan shacbiga reer Somaliland ee nabada jecel aanay aqbalayn hannanka dawladnimada aanay wax yeello u soo gaadhin.

 

Waxaanu taageero mug leh ku barbar taagannay BAYAANKA AY AQOONYAHANKA IYO DHALINYARADDA BEELAHA CIIDAGALE KU QAADACEEN QORSHAHA DIIWAAN-GELINTA MADANIGA AH.

 

Waxaa kale oo aanu la aragati nahay kuna taageersanay baaqyada ay ka soo saareen arrintan.

Beesha Isaxaaq Care iyo Gudida Talo Iyo Tawfiiq Ee Beelaha Habar-yoonis

 Waa arrin qalloocan oo shacbiga reer somalilandna aanay oggolaanayn

Wa billaahi tawfiiq

Guddoomiyaha beesha Ciidagale UK.

Deeq Cabdi Digale