Barlamaanka Ingiriiska oo cod aqbaliyada ku ansixiyey in laga Qayb qaato duqeynta lagu hayo Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya.

image

27 sept Xukumada Ingiriiska ee uu hogaaminaayo Raysal wasaare David  ayaa shalay barlamanka wadankasi u gudbisay codsi military si loogu ogolaado inay ka qayb galaan dagaalka lagula jiro kooxda ISIS ee ka dagalanta Iraq iyo Syria ee uu hogaaminayo Maraykanka iyo wadamada Khaliijka.

 

Raysal wasare David cameron ayaa sheegay in isla todobadkan gudihiisa ay militarygiisu bilaabi donan duqaynta saldhigyada Iraq iyo Syria ee kooxda ISIS isla markana ay dawladiisu hir galin doonto marka barlamanku ansixiyo hananka cusub ee lagaga hortagayo dhalinyarada Uk ka tagta ee ku biirta kooxdasi. Kooxda ISIS ayaa  dhulka Ciraaq haysata qaybka mid ah wadanka marka loo qaybiyi sadex, dhinaca kale Kudushka ayaa iyaguba dhinacooda dagaal ku qaaday.  Ciidamada huwantaa ayaa doonaya in marka Hore la duqeeyo ka dibna ay ciidamada dhulku Ay galaan. Waxa kale oo la sheegayaa in qaxoonti badani Ay ka qaxayaan Ciraaq kuna sii heed aan waddanka Turkiga.

Salaanmedia/Hargaysa