Beesha Subeer Awal Oo Shir Isugu Yimi Magaaladda Bristol UK, Qodobo Dhaxalgal ahna Ka Soo Saaray

image

Bristol(SM)- Shir maanta (27th September 2014) lagu qabtay magaalda Bristol oo ay iskugu yimaadeen beesha Suber Awal oo ay ka mid ahaayeen,aqoon yahanka, waxgaradka, odayaasha ,iyo dhalinyarada beesha kagana tashanayeen danta guud iyo ayahooda mustaqbalka.
Shirkaas waxaa lagu dhaleeceeyey.dilki foosha xumaa ee labada sarkaal ee lagu dilay deeganka Qorilugud iyo siday xukuumadu u maamushay dilkaas. Waxa kaloo shirka lagu cambaareeyey hab dhaqankii dhagaraaysnaa ee dilka iyo dhaawacaba lahaa ee ciidamade RRU kula kaceen dadwaynihii reer Gebilay ee sida salmiga ah u muujinayeydareenkooda ku saabsanaa dillkii foosha xumaa ee Qorililugud.
Shirkaas waxa lagu gudoonsadimageey qadobada soo socoda:
1) In Beesha Subeer Awal ee kala degta Dalalka Somaliland Jabuuti iyo Itoobiya ee ku nool Dalka UK Laga shaqeeyo Midnimadooda iyo wada jirkooda.
2) In Beesha Subeer Awal Laga dhex xulo 29 Xubnood oo noqda Guddiga Beesha Subeer Awal ee Dalweynaha UK.
3) In sida ugu dhaqsaha badan xubnaha 29 ah ee Guddiga Beesha Subeer Awal UK ay Iclaamiyaan Shirweyne ay isugu imanayaan Beesha Subeer Awal UK.
4) In Beeshu ka fogaato wixii dhaawac u keenaya isku duubnidooda oo ay kow ka tahay Siyaasadda iyo wixii kale ee dhibaato keeni kara.
5) In Beesha Subeer Awal markasta ay ka shaqaynayso Nabadgalyada iyo wanaag kuwada noolaanshaha Dalalka ay geeska Africa kaga nooshahay.
Allaa mahad leh
Gudiga dhexe ee Beesha Subeer Awal (G M)