Cabashada beelaha samaroon madaxweyne adigaa wada shacabka reer soomaaliland-na waa ogyihiin:

MAQAAL

Cabashada beelaha samaroon madaxweyne adigaa wada shacabka reer soomaaliland-na waa ogyihiin:

Mudane madaxweyne xabashada beelaha samaroon waa mashruuc madaxtooyada laga wado, mase laga yaabaa inay kugu noqoto Fari Togdheer bay kula xushaa!!!! Oo aad soo afjari kari waydo mashruuc aad adigu furtay. Waayo beesha samaroon ma cabanayso, balse adigaa yidhi haddaanu nahay beelaha dhexe naga cawda oo waxaad tidhaahdaan beelaha dhexe ayaa xilalkii wada haysta ee xilalka inoo qaybiya.

Haddaba Madaxweyne Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ Waxgarad waa inaga oo aan isyeelyeelayn”.

Akhristow Bal eeg Qodobadan

  1. Samaroon waxa ay cabashada bilowday Maalintii uu Madaxwaynuhu Boorama booqay ee ay meeqaamka ugu sareeeya ku soo dhaweeyeen.
  2. Waxa kaloo la ogyahay in Beesha Samaroon xildhibaanadooda Golaha wakiilada iyo guurtiduba ay taageeraan xukuumada xisbiga kulmiye.
  3. waxaa kale oo aynu ognahay in Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal markasta ay taageero la garabtaagan yihiin xukuumada iyaga oo had iyo jeer soosaara baaqo taageero ah.
  4. Waxaa kale oo aynu ognahay in aynaan maqal meel beesha Samaroon ay ku shirtay oo ay go’aamo ku soo saartay

Waxyaabahan oo dhami waxa ay shaki gelinayaan in aanay jirin tabasho rasmi ah oo ka timi Beesha samaroon oo ka dhan ah Xukuumada Siilaanyo  balse ay tahay arrimo lagu daboolaayo mucaaradada kulul ee beryahan danbe ee ka imanaysa Xisbiyada Mucaaradka iyo Madasha wada tashiga, iyo weliba shirarka Beelaha Magaado.

Haddaba waxa lawada fahsanyahay in arrintan ay Xukuumadu soo dhigtay ay tahay faashil, waxaana xukuumada looga fadhiyey xiisadaha bariga ee KHAATUMO iyo XIINGALOOL sidii arimahooda looga howlgeli lahaa.

Xukuumada waxaan leeyahay “Marka geela loo heesaayo Gorayo Ha u heesin”

 

Saleebaan Ibrahim Maxamuud

khayreibrahim@outlook.com

Burco, Somaliland