Cali Warancade ha diiwaan geliyo libaax yadiisa kol hadii shicibku qaadacay diiwaan gelintii madaniga ee xaaraanta ahayd by Abdi Mustafe

warancade

Wasiiro badan bay kurbo badani heysaa oo dareemaya hadii doorsha la qabto in ay xil kooda waaya yaan oo xisbi kale kursiga ku guuleysan doono. Waxay damceen in diiwaan gelinta madaniga ah lagu carqaladeeyo tii cod bixiya yaasha hase ahaatee labada xisbi mucaarad iyo taageera yaasha xisbiga muxaafad kuba waxa ka goa’n in la qaadaco oo waaba lagu dhawaaqay ba. Waxa Silaanyo iyo Xirsi la tusay in laga awood badanyay oo aanay dadka ku qasbi karin wax aanay doonayn. Hadii xukuumadu qaban weydo diiwaan gelinta cod bixiya yaasha si doorasho u dhacdo shicibku wey ka tashan oo xukuumada oo intaa ka itaal daran baa la tusi waxa shicibku awoodu. Xirsi iyo Silaanyo iyo Amina Weris iyo Morgan shicibka ma nacasyn karaan ee iyaga ayaa far waaweyn loogu daabici awoodaha shicibku leeyay. Diiwaangelinta madaniga ah la shicibku qaadacay waxay kow ka tahay xumaanta Silaanyo dadka iyo dalka la doonayo. Kursigu waa meerto ee ha ka duu duubtaan Silaanyo iyo qoys kiisu oon weliba baryo ahayn. Shicibku wuu ka xoog weynyay daad soo rogmaday oo haday wax diidaana looguma taag helo haday wax doonaan wey helaan. Dhow-Dhowdu Amina Weris umay dhicin ee dhawaan kabaha ayay ka carari.

by Abdi Mustafe 

abdi_mustafe123@yahoo.com