Cali Warancade oon weligii cad xalaala ku cashayn ayaa doonaya in uu doorashada 2015 khal-khaliyo by Abdi Mustafe

Warancade
Waxa jirta haduu qof basaas noqdo wuxuu ka baxaa xayn-daabka bani aadam nimada oo war uu soo sheegay ayaa dad lagu dulmaa oo qaarna xabsiga lagu dhigaa qaarna lagu toogtaa. Cali Warancade shaqadiisu taasay ahaan jirtay oo dulmiga dadka ayuun buu faraha kula jiri jiray. Nabad sugida waxa qoray Ahmed Suleiman Dafle oo uu Cali Warancade abti uugu toosanyay.
Dafle wuxuu Cali Warancade qaabil siiyey in wixii waqooyi ka soo jeeda ay daba gal ku sameeyeen kana war keenaan siiba beesha Isaaq. Cali Warancade wuxuu ka mid ahaa raggi Isaaqa dabar goynta ku samaynaayay ee ka war geynaayay. weliba dad badana isagaa ka masuul ahaa dilkoodii iyo xadhigoodii.
Nasiib daro Cali Warancade beeshii uu basaasi jiray ayaa hadana maanta wasiirka arimaha gudaha looga dhigay. Silaanyo wuu ku gefay Somaliland markuu kuwii wax yeelayn jiray wasiiro uuga dhigay. La se yaabi maayo Silaanyo oo isaga qudhiisa ayaa markii Ismail Cali Abokor la xidhay u ololeeyay in halkiisii la siiyo oo uu madaxweyne ku xigeen u noqdo Silaanyo. Markii Silaanyo xilkaa waayay ayuu London u guuray ee hadii lagu magacaabi lahaa kamuu soo baxeen dalka.
Cali oo is og in warar badan oo uu kacaankii u gudbiyey dad lagu laayay qaarna lagu xidhay oo quus ka taagan in aannu aakhiro meel fiican ku lahayn ayaa maantana doonaya in uu doorashada cod bixya yaasha ku khal-khaliyo tii madinaga si aanay doorasho u dhicin oo uu wasiir u ahaado. Cali iyo Silaanyo iyo qoyskiisu waxay ku hamiya yaan inay dalka sii xukumaan hase yeeshee shicibkuna waa u diyaar sifa kasta oy ay noqotaba in xilka laga tuuro sababtoo ah Silaanyo ma taliyo. Ninkii moodaya in dalka Silaanyo xukumow habeen maad jirin. Haduu Silaanyo caafimaad qabo Somaliland sidan way dhaami lahayd.
Cali Warancade oon weligii cad xalaala ku casheyn ayaa moodaya in ummadu ilowday wixii uu u geystay waagii kacaanka. Cali iminkana wax yeeladii uun buu Somaliland la daba socdaa oo waakaa goobaha diiwaangelinta yareeyey ee u badiyey Silaanyo meelaha uu cod ka heli lahaa
Sabatuna waxa weeye kol hadii cali horeba Isaaqa u basaasi jiray iminkana dan kama laha wixii xumaanaya ee dilaalka uu ka helayo diiwaangelinta madiniga ah ayuun buu isugu arkaa.
Cali Warancad ha ogaado dadka sidiisaa u dhaqma in aakhirka ilaahay ku salido xanuun aan dawo lahayn oo weliba ilaahay dadkana wada tuso sida uu qof kaasi u leeleelayo. Cali dad badan buu hurdada u diiday markuu basaasi jiray oo ilaa hada macaan iyo dhiig kar uun buu Cali ka cawdaa ee ha ogaado in aan weli la is gaadhin.