Canbaareyn iyo Talo soo jeedin la xidhiidha saraakiihsii lagu toogtay shirqoolkii guutada 17naad ee qorilugud !!!

 

Canbaareyn iyo Talo soo jeedin la xidhiidha saraakiihsii lagu toogtay shirqoolkii guutada 17naad ee qorilugud !!!

Guutada 17naad ee qeybta 31naad waa guutadii buddhiga u aheyd ciidanka qaranka , kuna caan aheyd geesinimo badan.fadhigeeduna haa aaga qorilugud

Su’aaalaha ku gadaamad “shirqoolkaas” ee jawaabta u baahan

1- Askariga saraakhiisha dilay waxaa uu ahaa maxbuus xidhan
2- Lama garanayo ilaa hadda cida soo daysay, qoriga u dhiibtay
3- Cida diyaarisay gaadiidkii lagu qaaday ka dib markii uu falka fuliyey
4- Halka lagu dilay saraakiishu waa xerada gudaheeda, oo ay markaas ku sugnaayeen guutada 17aad, oo loogu talo galay in ay urur jabiso awooda ay leedahay awgeed, haddana askarigii dilay saraakhiisii ugu sareysay goobta aanay jirin cid isku dayday in ay qabato, falkiisana aanay jirin cid ka jawaabtay.
5- Aaamusnaanta xukumada ee tacsi la’aanta waxay dhalisay dareen kale oo lagu lifaaqay shirqoolkaas.
6- Qaabka loo aasay iyo maamus darida oo iyana shirqoolkaas sarakiisha
xoojin kala noqotay
7- Ilaa hadda cid loo qabtay ma jirto, guutadaas daawanaysay saraakiisha hortooda lagu leynayey ee ciidan beeleedka u badan tabaalo laga qaadayna aanay jirin.
8- Waxaa la yaab noqotay in maanta oo 24sano somaliland jirtay aynu maqalno ciidan beeleed, yeyse tahay beesha iska leh ciidankaas ee aan ilaa hadda la qarameyn,
9- waxaa ayaan daro noqotay in taliyaha ciidanka qaranku aanu ogeyn sababta ciidan beeleed dhex galisay ciidanka qaranka , saw mahan intii uu ku mashquulsaanaa dhulka airporka in shaqadiisii baylahday saraakiishiisiina ciidamo aan qaranka u tirsaneyn laayeen

Talo Soo jeedin

1- si aanay uga niyad jabin ciidanka qaranka shaqdoodii waa in gacan ku dhiiglihii la soo qabto wax kasta oo ay ku kacayso
2- In gudi madaxbanaan loo saaro fal danbiyeedkaas, si loo xaqiiyo cida soo agaasintay falkaas.
3- In talaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug yeelata falkaas
4- in guud ahaa ciidanka garanka gaar ahaan guutada 17naad, lagana dhex saaro ciidan beeleedka aan tababar ciidan qabin, lana cadeeyo cida sida cad ugu dhex dartay ciidankaas qaranka.

Waxaa wax lalayaabo ah in ciidanka qaranka ee hawlgal ku dhinta aanu lahayn wax xuquuq ah lagana jaro musharaka agoomihii ay ka tageen, naftooda waxay ku waayeen difaaca qaranka waajibna waxaa ayh in qarankey u dhinteen daryeelo maatida ay ka tageen.

TACSIgaraad
Waxaan tacsi u diraynaa dhamaan shacabka somaliland, ciidanka qaranka, ehelada saraakiisha kala ah
1- Kabtan Maxamed Yuusuf Cadde “abaanduulihii guutada 17naad”
2- Laba Xidigle Jaamac Maxamed Xadi ” Hogaanka Hawlgalinta guutada 17naad”

Gunaanad:-

Waxaan u soo jeedinyaa dadka reer galiley iyo borama in ay isdajiyaan, ogaadaan in saraakiishu ka dhimatay qaranka ee aanay cid gaara ka dhiman, dhamqashaduna ka dhaxyaso shacaka oo dhan.
in kastoo falkaas sababaha dhaliyey ay keeni karo shaki badan, haddan wiilasha dhintay waxay ka baxeen qaranka oo dhan, waana tacsi u taala shacabweynaha somaliland oo dhan, yaan la beeleyn dhiiga saraakiisha waxana u baroor diiqaya shacaka somaliland kana xumaaday falkaas.

Garaad Mahad Max’ed Abdi
Tell: 063-4854791
063-3661359