Carwo Xanbaarsaneyd Sooyaalka Taariikhda iyo Suugaanta Soomaalida ayaa maanta ka dhacdey Galbeedka Magaalada London + Sawiro.

7 6 5 4 3 2 1
Waxaa sharaf weyn ii ah in halkan aan Hambalyo iyo bogaadin  uga soo jeediyo ururka la magac baxey Som Advice and Forum oo loo soo gaabiyo ( SAAFI ) ururkaas oo ay Gadhwadeen ka tahay aqoon yahan Rooda Maxamud Karaani ayaa maanta ku soo bandhigey Carwo ka turjumeysa Taariikhda Somaalida , Carwdaa oo ka dhacdey Aqalka quruxda badan ee looga taliyo Xaafada Brent ( Brent Council ). Carwadaasi waxay xanbaarsaneyd qoraalo  Taariikh ah, Sawiro sooyaalka Somalida ka turjumaaya iyo Suugaan badan  oo isugu jirey heeso, gabayo iyo geeraaro. Carwadan oo ay SAAFI  groups ay  ku soo bandhigeen Degmadan oo ka mid ah Degmooyinka ay Somaalidu ku badan yihiin ayaa socon doonta mudo Sitimaan ah (week)  Waxaana  furitaankeedii ka soo qeyb galey  ajanabi badan, aqoonyahan  tiro beelay, Xildhibaano degaanka ah oo ay qaar  ka mid ihi ay Somali ahaayeen , Dr Adna Aden Ismail  iyo  Fanaaniin, iyo dhalinyaro iyo waayeel aad badnaa.. Waxaa nala wadaagtaan Sawiradan hoose:
Tusan iyo Tixgelin
Waxsan iyo Ogaal
Tebiye: A/rahman Fidhinle
Galbeedka London