Cilmi Baadhid ku Saabsan Cudurka Xiiqda

image

Cilmi Baadhid ku Saabsan Cudurka Xiiqda
Hordhac…Wax Qor oo wax khayr leh qor, wax qor oo wax dadkaagu ka faa’iido qor, hana ku mashquulin oo wakhti ha ku luminin wax adna aan khayr kuu soo jiidayn Bulshadana aan anfacayn.

 

Waxaan hore u sheegay oo idhi, haddii Dadweynuhu la socdo wax yaalaha laga qoro Caafimaadka, waxa ay ogaan la haayeen sababo faro badan oo keena xanuunada dadku maanta la ildaran yahay.

Waa maxay Xiiqdu? Xiiqdu waa xanuun caan ah oo ku dhaca sambabada. Dalka Maraykanka waxa uu hayaa dad lagu qiyaasay 15 million oo qof. Dadka qaba xanuunka xiiqda intooda badan waxa ay yeeshaan hiinfaadh, qufax, xab ama xaako badan iyo neefsashada oo ku adkaata. Astaamahan aynu kor ku xusnay waxa keena carqalado ku yimaadda jidadka ay hawadu marto ee ka baxa sanka iyo afka geeyana sambabada.

Astaamaha Xiiqda aad ayey u badan yihiin, hase ahaatee kuwan hoos ku qoran ayaa ah kuwa inta badan laga heli karo dadka xiiqda qaba: – Qufac qalalan, gaar ahaan habeenkii iyo marka uu qofku la kulmo waxyaabo uu xasaasi ku yahay….Culays iyo cadaadis ka fuula laabta- Neefsashada oo ku adkaata- Neeftuur, sanqadh badan oo meel fog laga maqli karo. Neefsashada oo ku adkaata haddii uu qofku jimicsi sameeyo

Sidee ayaa loo xaqiijin karaa qabitaanka Xiiqda? (Diagnosis)

Marar badan ayaa astaamaha xiiqda lagu qaldi karaa astaamaha xanuuno kale, gaar ahaan dadka waaweyn. Xanuunada lagu qaldo waxa ka mid ah: Hiatal hernia oo ah cillad caloosha la xidhiidha, juucjuuc calooleed-ka (Stomach problems), Roomatiisamka (rheumatoid arthritis). Waxa kale oo jira xanuuno la isku-yidhaahdo ” Chronic obstructive pulmonary disease(COPD)” oo ah xanuuno la xidhiidha sambabada, ayna ka mid yihiin, “Emohysema iyo Chronic bronchitis” oo inta badan lagu qaldo astaamaha xiiqda. Xanuunadaas loo yaqaano COPD waa kuwo aad looga helo dadka waaweyn gaar ahaan kuwa sigaarka qiijiya ama qiijin jiray wakhti noloshooda ka mid ah. Inta badan si loo xaqiijiyo qabitaanka cudurka xiiqda waxa la maraa saddexdan baadhitaan.

 

(1) Su’aalo badan oo la weydiiyo qofka looga cabsi qabo in uu xanuunkan qabo oo la xidhiidha astaamaha uu isku arkay

 

(2) Imtixaan duleed (physical exam)

 

(3) baadhitaan sambabeed (lung function tests). Waxa kale oo iyadna suurto gal ah in laga baadho in ay jiraan waxyaabo uu “Allergy” ama xasaasi ku yahay qofku.

Sidee ayaa loo maamuli karaa Xiiqda Waxa jira saddex

 

(3) qodob oo lagu maamulo xiiqda. Saddexdaas qodob oo haddii uu qofku u raaco sida loo dhigay ay hubaal tahay in ay wax badan u tari doonaan:

 

1-In qofku fahmo, bartana waxa ay tahay xiiqdu, waxa keena iyo maalin walba la socodka cilmiyada khuseeya xiiqda ee ku soo biirta dunida aynu maanta joogno.

 

2-Qofka oo maalin kasta ku eega sambabadiisa ( isaga oo jooga gurigiisa) qalabka loo yaqaano ” peak flow meter”, oo si caadi ah looga helo Farmasiiyada.

 

3- Qofka oo si joogto ah u qaata daawooyinka uu dhakhtarku u qoray, si joogto ahna ula socodsiiyo dhakhtarkiisa kolba wixii isbedel ah ee uu la kulmo. Waxa kale oo muhiim ah in qofku la dagaalamo waxyaabaha ku keena in ay xiiqdu ama astaamaheedu ku soo kacaan, sida siigada (dust), baranbarada (cockroaches), caleenta dhirta,iwm. Yareeyo dibad u bixitaankiisa wakhtiyada uu Ozone-ku aadka u sareeyo. Iska ilaaliyo cuntooyinka qofkaas ku keeni kara Allergy-ga. Waxa uu qofku u baahan yahay in uu mar kasta diyaar la ahaado daawooyinkiisa, xataa haddii aanu in muddo ah isku arag astaamihii xiiqda. Talaalada laga qaato durayga, oofta iyo xanuuno badan oo u dhawdhaw waa qaar waxtar aad u badan u leh dadka qaba xanuunka xiiqda, sidaas daraadeed waxa muhiim ah in xusuus gaar ah loo yeesho.

Waxa jira daawooyin dhawr ah oo loo qaato xiiqda oo aan u baahnayn in uu dhakhtar kuu qoro, waxase muhiim ah in aanu qofku isagu iska dooran daawada uu u malaynayo in ay caawindoonto ama uu saaxiibkii u sheegay in uu beri isticmaalay oo ay wax u tartay. Daawo kastaaba waxa ay leedahay dhibaatooyin daba socda (side-effects), mararka qaarkoodna keeni kara halis ilaa heer dhimasho gaadhsiisan. Tusaale ahaan “antihistamines”-ka oo ku keena ragga in ay bararto kaadihaystu iyo/ama kaadida oo ku dhagta. Oral steroids-ka qaarkoodna waxa ay heer khatar ah gaadhsiin kartaa dadka qaba xauunada loo yaqaano “glaucoma” oo ah xanuun ku dhaca indhaha, “cataracts” oo ah xanuun ku dhaca wiilka (bu’da madoow) indhaha, osteoporosis” oo ah xanuun la xidhiidha lafaha, sidaas daraadeed waxa haboon in shaqsiga qaba xiiqdu uu isticmaalo oo keli ah daawooyinka uu isaga sida gaarka ah ugu qoray dhakhtarkiisu

Waxa Soo Tarjumay soona Diyaariyey: Osman Abdillahi Sool…Freelance Journalist. Copehagen.
E-mail: sooldhuub@hotmail.com