Daawo Sawiro…MADAXWAYNAHA SOMALILAND IYO QAAR KA MID AH GOLAHA WASIIRADA OO MAANTA SI RASMIYA U QAATAY KAADHKA DIWAANGALINTA.

image

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qaadashada Kaadhka Muwaadinka oo ka bilaamatay maanta oo taariikhdu tahay 25/09/2014 Gobolka Marodi-jeex magaalo madaxdiisa Hargeysa.

Madaxweynaha oo iska diwaangeliyey Xarunta hay’ada shaqaalaha waxa sidoo kale madaxweynaha wehelinaayey wasiiro ka mida xukuumada Somaliland oo iyaguna qaatay kaadhka Muwaadinka.

Waxa goobta ku sugnaa shacbi weynaha Reer Somaliland qaybo ka mida oo iyaguna ka hadlay dareenkooda soona dhaweeyey Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga shacbigana ugu baaqay inay u dareeraan oo ay muujiyaan muwaadin-nimadooda.

Waxa iyana sidoo kale halkaasi ka hadlay Haween ka mid ah Ururka Nafaqo iyo dhalinyaro ka mid ah ururada bulshada oo saxaafada Hadlo u mariyey shacbiga Somaliland.

Madaxweynaha oo buuxiyey shuruudaha muwaadinka ayaa shaqaalaha diwaangelinta ku hawlani waxa ay Madaxweynaha u sameeyeen sida Sawirada ka muuqata kaadhka muwaadinka oo noqon doona mid shacbiga Somaliland wada qaadan doonaan loona baahan yahay inay u dareeraan oo ay dhamaystiraan shuruudaha looga baahan yahay.

Salaanmedia/Hargaysa

10632728_1671594973066228_5722405321214828316_n 10350414_1671591956399863_6145995548321195689_n 10542895_1671590879733304_3063900548322869081_n

Â