Daawo Muqaal: Gabadh Soomaaliyeed oo dhalin yaro ah oo xaalad adag soo wajahday una baahan in la caawiyo.

Gudiga tuburucaadka u qaabilsan culimada Buuhoodle ayaa maanta booqday gabadh ku xanuunsan magaalada Buuhoodle taasoo qabto xanuunka Suuxdimaha oo mudo badan kusoo laalaabtay.

Gabadhan oo qabta Xanuunka Suuxdimaha ayaa dhibaatooyin badan kasoo gaadheen mudadii uu yahay xanuunki iyadoo marka uu qabto xanuunkani ku dhacda meesha ay markaas taagan tahay,

waxaana hada ka hor ay ku dhacday dab soo gaadhsiiyey dhibaato badan qaybo kamid ah jidhkeeda. Maxamuud Axmed Cali (Macow) oo kamid ah gudiga tuburucaadka ayaa booqday gabdhan isagoo ka warbixiyey xaaladeedda. Dhamaan umada muslimiinta ah ayaa loogu baaqay inay soo caawiyaan gabdhan si loo geeyo dhakhtar sidoo kale loogu sameeyo Quraan akhris maadaama aysan haysan qaraabo awoodi karta waxka qabashada xanuunkeedda.

Daawo Muqaalka Hoos.