DAAWO MUQAAL ” Madaxweynaha Marakykanka OBAMA”Waan Dilnay Hogaamiyihii Kooxda Al Shabaab Axmed A. Godane”

Sep 6, 2014 Washington(SM) – Dowlada Maraykanka ayaa xaqiijisay inay duqeyntii Sablaale ku dishay hogaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar Abu Zubeyr (Axmed Godane) oo gaarigiisa lala helay gantaalada diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drone-ka. Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka Pentagon ayaa muddo sadex maalmood ah ka gaabsaneysay inay si rasmi ah u shaaciso dilka Hogaamiyaha Al Shabaab oo kamid ahaa xubno sar sare ee Al Shabaab oo kulan ku lahaa deegaanka Sablaale maalinimadii Isniintii lasoo dhaafay. Pentagonka ayaa maanta oo Jimce ah xaqiijiyey in Axmed Godane uu kamid ahaa xubnihii ku dhintay duqeyntaasi, arrintan oo isbedal weyn ku keenaysa hogaankii Al Shabaab. “Ka takhalusida Godane oo hada ka baxay saaxada dagaalka waxay dhabar jab weyn ku tahay Al Shabaab.,” ayuu yiri Afhayeenka Pentagonka Adm. John Kirby,oo intaasi kusii daray.

“Dowlada Maraykanka iyo saaxiibadeeda waxay ka shaqeenayaan sidii looga hortagi lagaa kooxaha halista ah ee gobalka iyo guud ahaan caalamka.” Maraykanka ayaa horey madaxa Axmed Godane dul dhigay abaalmarin gaareysa $7 Milyan oo dollar qofkii soo sheega goobta uu joogo ama ka qeyb qaata soo qabashadiisa. Diyaaradaha Drone-ka ayaa la sheegay in 9 Gantaal la dhaceen goobtii ay ku sugnaayeen madaxda Al Shabaab, waxaana la xaqiijinayaa in ugu yaraan 11 kamid ah saraakiisha Al Shabaab ay weerarkaasi ku dhinteen, waxaana kamid ahaa xubnaha ku dhintaya sarkaalkii ugu sareeyey dhanka Maaliyada ee Al Shabaab. Axmed Godane oo xilka hogaana Al Shabaab soo hayey tan iyo 2008 ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay khaarajiyey qaar badan oo kamid ahaa hogaankii Al Shabaab sida Ibraahim Afghani kadib khilaaf dhanka fikirka ah oo soo dhexgalay. Sidoo kale hogaamiyayaal ay kamid yihiin Mukhtar Robow iyo Fu’ad Shangole ayuu Axmed Godane awooda ka xayuubiyey. Dilkiisa ayaa keenaysa in meesha uu ka baxay maskaxdii hageysay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab gaar ahaan maleeshiyaadka Amniyaatka iyo militariga Al Shabaab oo si toos ah uga amar qaadan jiray Axmed Godane.

Kooxda Al Shabaab ayaan weli si toos ah uga hadlin madaxdii looga dilay weerarkii 1dii September ka dhacay Sablaale, balse qaar kamid ah baraha Twitterka ee Al Shabaab ku xiran ayaa lagu shaaciyey war sheegaya in Axmed Godane uu ku dhintey weerarkaasi.

Salaanmedia/Hargaysa